Maxuum Diley Marxuum Hore oo Maanta Dawladda Federalku Dil ku Fulisay kadib Markii uu Xidhnaa in Muddo ah.

0
478

Dowladda Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdullaahi Cabdi Caydiid oo ahaa askari katirsan ciidanka dowladda, kaasoo hore u dilay wasiirkii howlaha guud ee dowladdi hore ee Soomaaliya, Cabaas Siraaji.

Wasiir Cabaas Siraaji ayaa la dilay afartii bishii May ee sannadkii 2017, xilli fiid ah isagoo kasoo baxay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii rasaas lagu riday gaariga uu watay.

Ninka xukunka dilka ah lagu fuluiyay oo katirsanaa ilaalada hanti dhowrihii qaranka, ayaa lagu helay inuu ahaa askariga riday xabadda ku dhacday wasiirka, kadib baaritaan ay sameeyeen guddi loo saaray.

Toogashadiisa ayaa ka dhacday dugsiga tababarka Gen- Gordan ee magaalada Muqdisho. Waxaana xukunkiisa uu yimid kadib muddo sanado ah oo qoyska marxuum Siraaji ay sugayeen caddaalad.