Wednesday, April 22, 2026
Dowladda Soomaaliya iyo lix dal oo kale oo ka tirsan urur goboleedka IGAD ayaa gaaray  heshiis ku saabsan isu socodka xorta ah ee dadka. Heshiiska ayaa lagu saxiixay magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan. Sida laga soo xigtay xoghayaha IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, dowladda Uganda kama mid ahayn saxiixayaasha heshiiska dhaqdhaqaaqa...
Wararka naga soo gaaraya degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan dagaalo culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda oo garabsanaya kuwa deegaanka iyo Al-shabaab ay ka socdaan deegaanada kala ah Wartadibi samatar iyo Boos Caduur oo ah deegaano hoostaga degmada Aadan Yabaal. Dagaaladaan ayaa yimid kadib...
Madaxa ciidamada TPLF Janaral Taddese Warade ayaa sheegay in boqolkiiba 65 ka mid ah dagaalyahannadooda ay ka baxeen furimaha dagaalka, sida ku caddayd heshiiskii TPLF iyo dowladda Itoobiya ku dhex maray Koonfur Afrika. Inkastoo Janaraalku uusan xusin tirada rasmiga ah ee ciidamadooda ee baneeyay furimaha dagaalka, haddana wuxuu xusay in...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonka Golaha shacabka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoona uga warbixiyey halganka dalka lagaga xorreynayo dagaalamayaasha Al-shabaab. Kulankaan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, guddoomiye...
Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku qabtay daawooyin aad u badan oo kaar jebiyayaal ah oo ay ku jiraan Pethidine iyo Cirbadda Oxytocin ee loo isticmaalo xilliga foosha dumarka. Afhayeenka ciidanka Booliska Saddiiq Doodishe ayaa sheegay in ay dawooyinkan yihiin kuwo si khaldan maalin walba...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay wasiirka diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, in uu ku qancin karo qaar ka mid ah asxaabtiisii hore inay kasoo goostaan ururka Alshabaab. "Waxaan rabnaa inaan tusno hoggaanka al-Shabaab in haddii ay isa soo dhiibaan aan la bahdilin doonin,...
Golaha wadatashiga iyo waxgaradka Puntland oo ah gole ay ku midaysan yihiin qaar kamid ah siyaasiyiinta, waxgaradka iyo aqoonyahannada ayaa ka digay waxay ugu yeereen xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhalan karta muddo kororsiga madaxweyne Deni. Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay ku baaqeen in doorashada waqtigeedii aan laga dib dhigin,...
Wasiirka Maliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway Anne Beathe oo booqasho ku timid dalka. Kulanka dhex maray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway ayaa looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Cabdiraxmaan Caddow Ciise Maxamed, xukunkaas oo ah qisaasta dil uu u geystay Marxuum Saylax Cabdulle Axmed. Cabdiraxmaan Caddow waxa uu 29-kii November ee bishii tagtay ku dilay Saylax Cabdulle oo ahaa darawal PL, isbaaro sharci darro ah oo...
Wararka naga soo gaaraya degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ay Maanta kaabiga ku hayaan degmadaasi oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab. Ciidamada kaabiga ku haya degmada Aadan yabaal ayaa waxaa hoggaaminaya xubno ka tirsan...