Kulanka dhex maray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway ayaa looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda.
“Waxa aan maanta ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, Anne Beathe. Waxa aan ka wadahadalnay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda, Dowladda Norway waxa ay Soomaaliya ku taageeraysaa lacag dhan $30 Milyan oo dollar taasi oo ay inoo soo marisiinayso Bangiga Adduunka, lacagahaas waxaa lagu horumarindoonaa dhaqaalaha Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.
Dowladda Norway ayaa Soomaaliya ku taageeraysa lacag dhan $ 30 Milyan oo dollar taasi oo ay u soo marsiinayso Bangiga Adduunka. $30 Milyan ayaa laguu talagalay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dib-u-habeynta Maaliyadda.