Wasiirka arrimaha Horumarinta dalka UK, Andrew Mitchell, ayaa ku dhawaaqay taageero cusub oo ay UK siinayso Soomaaliya kadib booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku yimid Soomaaliya tan iyo markii loo magacaabay.
Intii uu ku guda jiray booqashadiisa 2-da maalmood ah, ayaa wasiir Andrew Mitchell wuxuu xaqiijiyay, £6.7milyan oo ah maalgelin gargaar bini'aadantinimo...
Qaar kamid ah xildhibaannada barlamaanka Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilamamay in lagu xad gudbay xasaanaddooda, iyagoo sheegay inay hay’adaha amnigu ula dhaqmeen si xad gudub ah.
Xildhibaannadan oo ka hadlayay kalfadhigga barlamaanka waxay sheegeen in xukuumaddu amartay in xildhibaannada la baaro marka ay golayaan xarunta barlamaanka.
Xildhibaan Daahir Aamiin Jeeso...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa go'aan culus kasoo saaray dhigashada isbaarooyinka lagu dhibaateeyo dadka shacabka ee masaafurka ah.
Guddoomiye Jeyte oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan ayaa si aan gambasho laheyn wacad ugu maray in talaabo adag uu ka qaadi doono cidii la arko...
Wareega group-yada ee koobka adduunka ee ka socda dalka Qatar ayaa lasoo gabagabeeyay waxaana hadda loo soo gudbay wareegga bug-baxa oo ay 16 kooxood isugusoo hareen.
Koobka adduunka waxaa sanadkan ka soo baxay natiijooyin lama filaan ah, iyadoo Argentina ay guuldarro ka soo gaartay Saudi Arabia, Japan oo ka badisay...
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa saaxiibada caalamiga ah lagu dilay 40 katirsan kooxda Alshabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaanka Cali Fool dheere oo katirsan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeeladda...
Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ka tacsiyeeyay geerida wiil dhallinyaro ah oo deegaanka Ceelasha biyaha ay ku jiireen kolonyo katirsan gaadiidka ATMIS.
Warsaxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in sameeyeen guddi baaris ku sameeya dhacdada, kuwaas oo si dhow ula shaqeeynaya goob joogayaasha falka, dawladda Soomaaliya, iyo maamullada...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Villa Soomaaliya kulan kula qaatay wasiirka horumarinta iyo arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska Andrew Mitchell.Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Ingiriisku ay siiso Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wasiirka la wadaagay guulaha...
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee xukuumadda Soomaaliya iyo wasaaradaha isgaarsiinta dowlad goboleedyada ayaa ka heshiiyay khilaaf dhowaan soo kala dhex galay, kaasoo sababay in wasaaradaha isgaarsiinta dowlad goboleedyada ay xiriirka u jaraan wasaaradda heer federal.
Shir ay Muqdisho ku yeesheen wasaaradaha labada dhinac ayaa waxay isku raaceen in sharciyada iyo...
Dowladda Turkey ayaa xirtay nin Soomaali ah oo bartiisa Tiktok soo galiyay muuqaal ku saabsan isagoo jeex jeexaya lacagta dalkaas.
Muuqaalkaan oo aad u dhex wareegaya barta Tiktok ayaa waxaa si weyn caro uga muujiyay shacabka Turkiga, kuwaas oo si xooggan uga sameeyay falcelin caro leh.
Ninkan Soomaaliga ah ee la...
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, ayaa sheegay inaanay ansixin doonin sharci kasta oo ka hor imaanaya Diinta Islaamka, maalmo ka dib markii ku xigeenkiisa Sacdiyo Yaasiin ay wacad ku martay inay ansixin doonto sharciga xadgudubyada Jinsiga.
Guddoomiyaha barlamaanka oo shir guddoominayay kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen labada...


















