Xukuumadda Federalka Soomaaliya oo Sheegtay in ay Soo Kordheen Xubnaha Iska Soo Dhiibaya Al-shabaab.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daa'uud Aweys Jaamac oo Maanta shir jaraa'id ugu qabtay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalamayaashii ugu badnaa kooxda Al-shabaab ay isku soo dhiibeen dowladda.
Wasiirka Warfaafinta ayaa tilmaamay in marba marka ka dambeysa ay soo kordhayeen xubnaha ka mid ka ah Shabaab ee...
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah isimadii dhaqanka ee dhawaan shirku ugu soo dhamaaday Laascaanood, ayaa sheegay in aanu dagaalku istaagayn ilaa ciidamada Somaliland baxaan.
Garaad Ismaaciil, oo ka jawaabay baaqii nabadgalyo ee xukuumada Somaliland soo saartay, ayaa sheegay in uu dagaalku soconayo hadii ciidanka Somaliland aanu ka bixin...
Dagaalka Laascaanood ayaa galay maalintii saddexaad oo xidhiidha, xukuumada Somaaliland ayaana markale sheegtay in ay dagaal kula jirto argagixiso.
Qoraal lagu baahiyay boga Facebook ee Wasaarada Arrimaha Guddaha, ayay xukuumadu si lamid ah labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sheegtay in kooxo xagjir ahi ay soo weerareen fadhiisimada millateriga Somaliland...
Guddiga xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay, ayaa ku booriyay dowladda Soomaaliya inay baaritaan ku sameyso dilalka Laascaanood ee ay gaysanayaan ciidamada amaanka Somaliland iyo kuwa kasoo horjeeda ee deegaanka SSC.
Volker Türk oo ah guddoomiyaha guddiga, ayaa wuxuu u soo jeediyay dowladda Soomaaliya inay baarto oo ay caddaaladda horgeyso dadka ku...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho ku saabsan xoojinta xiriirka Talyaaniga.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa marti-qaad ka helay madaxda dalka Talyaaniga, isagoo kulamo la qaadan doona dhiggiisa Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni oo ay ka wada-xaajoonayaan...
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horraysay waxay sheegtay inay soo dhowaynayso rabitaanka iyo go’aanada kasoo baxay dadka reer Laascaanood.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladdu diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato xallinta qalaalasaha ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Wasaaradda arrimaha gudaha...
Isimadii Laascaanood shirku uga socday ayaa dowlada Soomaaliya ku bogaadiyay taageerada ay u muujisay qodobadii shirkooda kasoo baxay.
Garaad afka isimada ku hadlay, ayaa dowlada Soomaaliya uga mahadceliyay taageerada ay u muujisay qodobadii kasoo baxay shirka garaadada ee Laascaanood.
"Aad aad ayaanu ugu faraxsanahay in ay dowladu soo dhawaysay go'aamadii kasoo...
Waxaa la baajiyay oo dib loo dhigay isdiiwaan galinta doorashada qof iyo cod oo la filayay inay maanta ka billaabato magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.
Wararka aan helayno waxay sheegayaan in loo baajiyay iyadoo aan weli wax xal ah laga gaarin qulqulatooyin looga soo horjeedo doorashada oo ay Garowe ka...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad kooban oo xalay degmada Heliwaa ku dhexmaray ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo rag hubeysan oo la sheegay iney ka tirsanayeen kooxda Al-shabaab.
Iska hor imaadka ayaa dhacay kadib markii ragga hubysan oo ahaa sadax ruux ay weerar ku qaadeen barkoontarool oo ciidanka...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo isku dhafan oo meelo kala duwan ka yimid ay soo weerareen saldhigyada ciidamada Somaliland ee Laascaanood.
War-saxaafadeed kasoo baxday wasaarada arrimaha gudaha, ayaa lagu sheegay in dadka weerarka soo qaaday ay iskugu jiraan argagixiso, ciidamo ka yimid Puntland, iyo ciidamo la baxay Khaatumo.
"Kooxahan argagixisada...


















