Tuesday, April 21, 2026
 Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dadka shacabka ah, marka laga tago dhinacyada dagaaalamaya. Khasaaraha ugu weyn ee warbaahintu ay tebinayso ayaa ah, geerida 7 carruur ah iyo hooyadood oo iyaga oo...
Dhulgariir xooggan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 7.7 ayaa ku dhuftay gobolka koonfureed ee Kahramanmaraş, kaas oo galaaftay nolosha ugu yaraan 1912 qof, waxaana ku dhaawacmay 5,385 kale. Dhulgariirkan oo lagu qiyaasay 7.7 ayaa ku dhuftay meel 7 kilomitir (4.3 mayl) ka hoosaysa oogada sare ee degmada Kahramanmaraş ee Pazarcık, lixdii...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo tikniko wata ay ciidamada Somaliland weerareen, lakiin ay ciidamadu kaliya is difaaceen, xeryahoodiina anay ka bixin. Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, oo Laascaanood ku sugan, ayaa yidhi "Ciidan hubaysan oo tikniko wata, oo hoobiyayaal wata, oo baasuukayaal waata ayaa weeraray qaar kamid ah...
Madaxweynaha dalka Ciraaq Laif Rashiid ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Iraq. Casuumadan ayaa waxaa soo gaarsiiyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Baqdaad Liibaan Sheekh Maxamuud oo uu qaabilay Madaxweynaha Ciraaq, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada...
Baaq ayaa kasoo baxay shirkii magaalada laascaanood uga socday Isimada gobolada SSC, iyagoo ku dhawaaqay go'aano culus. Isimada SSC ayaa ku dhawaaqay in aysan ka tirsanayn Somaliland iyo gooni istaageeda. Waxay sheegeen in laga bilaabo maanta ay katirsan yihiin dowladda federalka Soomaaliya, dhulkoodana lagu maamulidoono dastuurka Soomaaliya. Baaqa kasoo baxay shirka...
Xiisado kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa magaalada Garowe, kadib markii ciidamo maleyshiyo beeleed ah oo kasoo horjeeda isdiiwaan galinta doorashada qof iyo cod ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen gudaha magaalada Garowe. Xalay saqdii dhexe iyo saakay waaberigii xabbado ay ku jiraan qoryaha waawayn ayaa laga maqlayay qeybo kamid ah magaalada,...
Kooxo hubaysan ayaa weeraray fadhiisimada ciidamada Somaliland ee Laascaanood iyo hoteelka golaha wasiiradu ka daganyihiin magaalada, sida xukuumadu sheegtay. Warsaxaafadeed saaka subixii lagu baahiyay boga Facebook ee Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in kooxo hubaysani ay soo weerareen xeryaha ciidamada iyo hoyga golaha wasiirada ee Laascaanood. "Saaka  subixii hore...
War murtiyeed kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa heshiis looga gaaray khikaafkii xooganaa ee ka dhashay doorashada maamulkaas. Waxaa lagu heshiiyay in doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed la qabto bisha January ee sanadka 2024, waxaana sidaasi dhaqangal ku noqday halkii sano ee madaxweyne Lafta Gareen loogu kordhiyay. Sida ku...
Cabdirashiid Cali Xiiray "Abeesa Dhuuni" oo ahaa sarkaal ciidan oo horjooge u ahaa ciidamo si iskood ah qoriga ugu qaatay si ay Alshabaab uga xoreeyaan gobolka Sanaag ayaa qarax miino lagu dilay. Wararka aanu helayno waxay sheegayaan in sarkalkan iyo askar kale oo ka soo baxay magaalada Boosaaso qarax lagula...
Dadwayne cadhaysan ayaa saaka iskugu soo baxay wadooyinka  degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag ee Somaliland, kadib dil ay ciidamada booliisku u gaysteen qof shacab ah. Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee RRU-da ayaa goob magaalada u dhaw ku dilay muwaadin la odhan jiray Abokor Cumar Cali, hadaba booliisku wax...