Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay holwgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaanada ku yaala Koonfurta gobolka Mudug.
Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dagaal xoogan iyo duqeymo isbarbar socday kadib ay...
Cutubyo ka tirsan ciidamada dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa laga saaray gobolka Hiiaran, iyagoo dib ugu laabtay dalkooda.
Ciidamadan oo fadhigeedu ahaa saldhiga degmada Jalalaqsi ayaa lagu ammaanay inay qeyb weyn ka qaateen gulufyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan,...
Isimada dhaqanka gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ee ku sugan Laascaanood ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay ka been sheegtay xabad joojintii ay xalay ku dhawaaqday.
Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ku hadlay afka isimada, ayaa xukuumada ku eedeeyay in xabad joojintii ay xalay ku dhawaaqday...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in saaka ciidamada garaadada taabacsani ay soo weerareen ciidankeeda, kadib xabad joojintii ay xalay ku dhawaaqday.
Qoraal lagu baahiyay boga Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland ayaa lagu sheegay in kooxo xagjir ahi, ay saaka weerar kusoo qaadeen fadhiisimada ciidanka millateriga ee duleedka Laascaanood.
"Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ku bilaawday qaraxyo Ismiidaamin ah oo kooxda Al-shabaab aroornimadii hore ee saakay ay ku qaaday Saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Kooxda Al-shabaab ayaa weerarka Ismiidaaminta ah u adeegsatay laba baabuur oo laga soo buuxiyay...
Raysal waaaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ku baaqay in wada hadal nabadeed lagu dhameeyo colaadda ka jirta magaalada Laascaanood, halkaas oo uu dagaal ka socda muddo dhowr maalmood ah.
Qoraal uu soo saaray ayuu raysal wasare ku xigeenku ku sheegay in aan wax natiijo ah lagu...
Iyadoo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool uu galay maalintii Shanaad oo xiriir ah ayaa waxaa isa soo tarayo baaqyada kala duwan ee ku aadan joojinta dagaalka Laascaanood.
Hay'adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegeyso iney ka walaacsan tahay xaalada laga...
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa Maanta kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaanka Doonyaale oo ka tirsan gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.
Ciidamada is garabsanaya ayaa la sheegay iney dagaal culus kula wareegeen deegaanka Doonyaale oo u dhaxeeya magaalooyinka Camaara iyo Bacaadweyn ee gobolka Mudug, waxaana la tilmaamay...
Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah.
Qoraal uu guddoomiye Waraabe ku baahiyay bartiisa Twitterka, ayuu xukuumada kaga dalbaday in ay dhankeeda xabad joojin ku dhawaaqdo, ayna samayso dadaalkasta oo lagu xaqiijinayo nabada.
"Si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood,...
Ciidamada Booliiska Saldhiga degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir ayaa gacanta kuso dhigay rag burcad ah oo kaarar been abuur ah ku dhacayay dadka barakacayaasha ah ee ku nool duuleedka magaalada Muqdisho.
Ragaan ay gacanta kusoo dhigeen Booliiska degmada Dharkeenleey oo ah sadax ruux ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay...


















