R/w kugeenka Xukuumadda Federalka Saalax Axmed Jaamac oo Baaq kasoo Saarey Xaaladda Laascaanood.

0
426
Raysal waaaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ku baaqay in wada hadal nabadeed lagu dhameeyo colaadda ka jirta magaalada Laascaanood, halkaas oo uu dagaal ka socda muddo dhowr maalmood ah.

Qoraal uu soo  saaray ayuu raysal wasare ku xigeenku ku sheegay in aan wax natiijo ah lagu gaari karin xabbad. Wuxuuna sheegay in xaaladda magaalada Laascaanood ay u baahan tahay in marka hore xabbada la joojiyo, xalkana lagu raadiyo jid nabdoon.Salaax wuxuu Somaliand ugu baaqay inay joojiso maquuninta shacabka islamarkaana wuxuu sheegay in hoggaankeeda looga baahan yahay inuu qaato go’aano adag oo ummadda lagu badbaadinayo.

Hadalka raysal wasaare ku xigeenka ayaa kusoo aaday xilli Somaliland ay ku dhawaaqday xabbad joojin, si loo joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood.