Kursiga hope #086 oo Beesha Reer Aw-Xasan Diideen in Laga Wareejiyo B/weyne.

0
475

Beesha iska leh kursiga hop086 ayaa ka hortimid in doorashada  kursigaan loo wareejiyo magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in kursigooda la siyaasadeeyay, loona diiday beesha matalaadeeda barlamaanka Soomaaliya  muddo ku dhow sanad.

War saxaafadeed kasoo baxay beesh Reer Aw Xasan ayaa lagu sheegay in kursigaan deegaan doorashadiisu ay tahay magaalada Baladweyne.

Beeshu waxay ku eedeeysay guddiga doorashada, raysal wasaare Xamse iyo wasiirka waxbarashada inay ka shaqeynayaan in la wareejiyo deegaan doorashada kursigaan, iyagoo u sababaynaya in amni xumo ka jirta magaalada Baladweyne.

Waxay nasiib darro ku tilmaameen in kuraasta ay ku fadhiyeen raysal wasaaraha iyo taliyaha nabad sugida si caadiya loo qabtay doorashadooda. Halka ay sheegeen in xuquuqdoodii la duudsiiyay.