Monday, August 10, 2026
Dowladda Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdullaahi Cabdi Caydiid oo ahaa askari katirsan ciidanka dowladda, kaasoo hore u dilay wasiirkii howlaha guud ee dowladdi hore ee Soomaaliya, Cabaas Siraaji. Wasiir Cabaas Siraaji ayaa la dilay afartii bishii May ee sannadkii 2017, xilli fiid ah isagoo kasoo...
Guud ahaan magaalooyinka dalka Itoobiya waxaa saaka ka billowday banaanbaxyo nabadeed oo waawayn, kuwaas oo ay dowladdu ku sheegtay in looga soo horjeedo waxay ku tilmaantay faragalinta reer galbeebku ku hayaan arimaha gudaha ee dalka Itoobiya. Haddaba banaanbaxyadan oo ay soo abaabushay dowladda Itoobiya ayaa saaka ka billowday magaalada Addis...
Raysal wasaraahii dalka Ingiriiska Liz Truss ayaa goordhaw oo Maanta ah shaacisay iney iska casishay xilkii Raysal wasaaranimo ee dalka Britain, ayada oo xafiiska joogtay mudo lix todobaad kaliya. Liz Truss ayaa noqoneysa Raysal wasaarahii ugu mudada gaabnaa ee soo mara dalka Ingiriiska, waxaana la sheegay in Liz Truss uu...
Wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hay'adaha amniga ay la wadaagtay cabasho uga timid ganacsatada Soomaaliyeed, oo sheegay in xogta ganacsigooda lala wadaago kooxda Alshabaab. Wasaaradda dekedaha ayaa hay’adaha amniga ka codsatay in baaritaan loogu sameeyo cid kaste oo ku lug leh in xogta ganacsatada...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay wafdiga Raysal wasaaraha. Wafidga Raysal wasaare Xamse waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne kusoo dhaweeyay masuuliyiin isugu jira heer Fedaraal...
Kenya ayaa dhoofinta Qaadka Miirowga ee ay u dhoofiso Soomaaliya ka heshay lacag dhan 4 bilyan oo lacagta dalkeeda ah, oo u dhiganta lacag ka badan 8 millon oo dollar, muddo saddex bilood ah markii uu dib u billaabmay dhoofinta Qaadka. Madaxa Qaadka Miraa iyo dalagyada kale ee warshadaha, Felix...
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Shalay galinkii dambe ka dhacay magaalooyinka Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa la geeyay magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadaasi ku dhintay masuuliyiin iyo dad shacab ah. Dhaawacyada la geeyay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay iney ahayeen 17 ruux oo ahaa dadka dhaawacyada...
Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe, ayaa sheegay in laba nin oo katirsan Alshabaab oo degmada Kaaraan askari ku dishay ay qabteen shacabkii goobta ka dhawaa. Afhayeenka Booliisku wuxuu sheegay shacabku iyagoo wadda labadan nin iyo hubkii ay dilka ku gaysteen inay ku wareejiyeen ciidamada ammaanka ee Kaaraan. Taliyaha wuxuu sheegay...
Wararka naga soo gaaraya degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw uu qarax xoogan ka dhacay bartamaha Buundada degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan. Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa jugtiisa laga maqlay dhamaan xaafadaha degmada Buulaburte, waxaana goojoogayaal la hadlay Shabakada HOL ay sheegeen inuu ahaa...
Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhaw ka dhacay qarax Ismiidaamin ah oo lagu dilay guddoomiyahii degmada Jalalaqsi Maxamuud Nuur Cagajoof oo loo yaqiinay Dabaashe. Qaraxa lagu dilay guddoomiye Dabaashe oo loo adeegaaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay...