Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, ayaa sheegay in dhimista ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan ay billaabanayso bisha June ee sannadka 2023.
Sida uu dhigayay qorshaha dhimista tirada ciidamada midowga Afrika ee ATMIS, waxay ahayd in ay 2,000 oo askari bisha soo socota ee December, ka saaraan Soomaaliya.
Laakiin,...
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee xukuumadda Soomaaliya, Aadam Ibraahim Aw-Xirsi oo kamid ahaa masuuliyiintii kasoo badbaaday weerarkii lagu qaaday Rays hotel, ayaa ka hadlay qaabkii ay ugasoo baxeen hotelka, kadib markii uu weerarka ku bilowday.
Wasiirka ayaa sheegay in masuuliyiin uu kamid ahaa markii uu qaraxu dhacay in ay u carareen...
Dad isku qoys ah oo ka koobnaa illaa shan ruux ayaa xalay dil wadareed loogu geystay deegaan hoos yimaada degmada War Sheikh ee gobolka Shabeellada dhexe arrima la xariiro aanooyin qabiil.
Qoyskan oo dil wadareedka loogu geystay tuulada Xaluule ee degmada Warsheekh, ayaa waxay ka koobnaayeen shan ruux oo lagu...
Madaxweynaha Jubbaland, Wasiirka Difaaca Soomaaliya, iyo taliyaha ciidamada xoogga Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage, ayaa maanta magaalada Kismaayo uga qeyb galay dhoolotuska ciidamo huwan ah oo loo diyaariyay inay qaadaan howlgal Alshabaab looga xoreynayo deegaannada Jubbaland.
Madaxwene Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan reer Hiiraan ku fiirsan karin culayska ay Alshabaab...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamuud ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan xaqiijinta Soomaaliya ku habboon maalgashi, taas oo uu sheegay in ay aas-aas u tahay dabar-goynta argagixisada, horumarinta shuruucda iyo dowladnimada, dhismaha...
Cabdulahi Cabdi oo katirsan saraakiisha amniga Galmudug ee deegaanka Qaayib ayaa sheegay in odayaal tuhun looga qabay inay xiriir laleeyihiin Alshabaab ay shalay si toos isugu dhiibeen Alshabaab.
Odayaashaan oo la sheegay inay ka baxeen degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa la ogaaday inay gaareen degmada Xarar dheere oo kamid...
Hogaamiyayaasha mucaaradka Somaliland ayaa shacabka uga digay hogaaminta madaxweyne Biixi.
Fariimo ay ku baahiyeen warbaahinta Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, shacabka ugu baaqeen in ay ka digtoonaadaan hogaaminta madaxweynaha.
"Dadka Somaliland waxan leeyahay tuu soo wado hadaynaan ka tashan, meel aynaan...
Ciidanka gaarka ah ee dowladda iyo rag hubeysan oo ka tirsan al Shabab, ayaa ilaa iyo xalay ku dhex dagaallamaya hotelka Villa Rosa ee ku dhow Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in weerarka uu ku bilowday qarax ismiidaamin ah, kaddibna rag hubeysan ay galeen hotelka.
Ilaa iyo hadda lama ogga...
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Salaad samatar ayaa jeedisay hadal buuq badan ka dhex dhaliyay baraha bulshada.
Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka ayaa munaasabad lagu daahfurayay wacyi galinta shaqaaqooyinka dumarka, waxay ka sheegtay inay Muqdisho ka tagayso haddii uusan barlamaanku meel marin sharciga buuqa badan ka taagan...
TPLF ayaa dowladda Eritariya ku eedaysay in diyaaradaheeda dagaalku ay duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyeen maanta magaalo kamid ah gobolka Tigray oo lagu magacaabo Irob, sida uu baahiyay Tvga Tigray ee ay maamulaan TPLF.
Goobaha ay waxyeelladu ka soo gaartey duqayntu ayay TPLF ku sheegtay inay ahayd goobo ay...


















