Gudoomiye kuxigeenka Barlamaanka Sacdiyo Yaasiin oo Wacad ku Martey in Xeerka Jinsiga La Meelmarinayo.

0
338

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Salaad samatar ayaa jeedisay hadal buuq badan ka dhex dhaliyay baraha bulshada.

Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka ayaa munaasabad lagu daahfurayay wacyi galinta shaqaaqooyinka dumarka, waxay ka sheegtay inay Muqdisho ka tagayso haddii uusan barlamaanku meel marin sharciga buuqa badan ka taagan yahay ee jinsiga.

Sacdiyo Yaasiin waxay ku doodaysaa in sharcigaan uu difaacayo xuquuqda jinsiga, gaar ahaan waxay sheegtay inuu wax ka qabanayo kufsiga gabadhaha oo ay sheegtay inuu noqday dambi aan la isula xisaabtamin.

Waxay sheegtay in dibbada looga hanjabay sababta ay u taageersan tahay oo ugu ololaynayso sharcigaan, iyadoo sheegtay in lagu eedeynayo inay fikir gaalo wado.

“Haddii aydan aayadda qur’aanka ah igu ilaalinayn, maxaad u diidaysaan in gaalada loo dhowaado? waana loo dhowaanayaa waana lawada gooloobayaa,” ayay tiri.

Sharciga jinsiga oo ah mid dood weyn dhaliyey ayaa waxaa diiday in la meelmariyo baarlamankii hore ee Soomaaliya, sannadkii 2020, iyagoo u arkayay inuu yahay mid meel ka dhac ku ah dhaqanka iyo diinta Islaamka.