Golaha wadatashiga iyo waxgaradka Puntland oo ah gole ay ku midaysan yihiin qaar kamid ah siyaasiyiinta, waxgaradka iyo aqoonyahannada ayaa ka digay waxay ugu yeereen xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhalan karta muddo kororsiga madaxweyne Deni.
Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay ku baaqeen in doorashada waqtigeedii aan laga dib dhigin,...
Wasiirka Maliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway Anne Beathe oo booqasho ku timid dalka.
Kulanka dhex maray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway ayaa looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka...
Askeri Dhawaan Qof Shacab u Diley Toban kun Sh.so oo Maxkamadda Ciidamadu Dil Toogasho ah ku Riddey.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Cabdiraxmaan Caddow Ciise Maxamed, xukunkaas oo ah qisaasta dil uu u geystay Marxuum Saylax Cabdulle Axmed.
Cabdiraxmaan Caddow waxa uu 29-kii November ee bishii tagtay ku dilay Saylax Cabdulle oo ahaa darawal PL, isbaaro sharci darro ah oo...
Wararka naga soo gaaraya degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ay Maanta kaabiga ku hayaan degmadaasi oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.
Ciidamada kaabiga ku haya degmada Aadan yabaal ayaa waxaa hoggaaminaya xubno ka tirsan...
Wasiirka arrimaha Horumarinta dalka UK, Andrew Mitchell, ayaa ku dhawaaqay taageero cusub oo ay UK siinayso Soomaaliya kadib booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku yimid Soomaaliya tan iyo markii loo magacaabay.
Intii uu ku guda jiray booqashadiisa 2-da maalmood ah, ayaa wasiir Andrew Mitchell wuxuu xaqiijiyay, £6.7milyan oo ah maalgelin gargaar bini'aadantinimo...
Qaar kamid ah xildhibaannada barlamaanka Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilamamay in lagu xad gudbay xasaanaddooda, iyagoo sheegay inay hay’adaha amnigu ula dhaqmeen si xad gudub ah.
Xildhibaannadan oo ka hadlayay kalfadhigga barlamaanka waxay sheegeen in xukuumaddu amartay in xildhibaannada la baaro marka ay golayaan xarunta barlamaanka.
Xildhibaan Daahir Aamiin Jeeso...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa go'aan culus kasoo saaray dhigashada isbaarooyinka lagu dhibaateeyo dadka shacabka ee masaafurka ah.
Guddoomiye Jeyte oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan ayaa si aan gambasho laheyn wacad ugu maray in talaabo adag uu ka qaadi doono cidii la arko...
Wareega group-yada ee koobka adduunka ee ka socda dalka Qatar ayaa lasoo gabagabeeyay waxaana hadda loo soo gudbay wareegga bug-baxa oo ay 16 kooxood isugusoo hareen.
Koobka adduunka waxaa sanadkan ka soo baxay natiijooyin lama filaan ah, iyadoo Argentina ay guuldarro ka soo gaartay Saudi Arabia, Japan oo ka badisay...
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa saaxiibada caalamiga ah lagu dilay 40 katirsan kooxda Alshabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaanka Cali Fool dheere oo katirsan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeeladda...
Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ka tacsiyeeyay geerida wiil dhallinyaro ah oo deegaanka Ceelasha biyaha ay ku jiireen kolonyo katirsan gaadiidka ATMIS.
Warsaxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in sameeyeen guddi baaris ku sameeya dhacdada, kuwaas oo si dhow ula shaqeeynaya goob joogayaasha falka, dawladda Soomaaliya, iyo maamullada...


















