Wareega group-yada ee koobka adduunka ee ka socda dalka Qatar ayaa lasoo gabagabeeyay waxaana hadda loo soo gudbay wareegga bug-baxa oo ay 16 kooxood isugusoo hareen.
Xulka Germany iyo Uruguay ayaa ku wada haray wareega guruubyada, iyadoo ay wehliyaan Belgium iyo xulka qaranka Denmark oo semi-finalka tagay yuuradii sannadkii 2020.
Haddaba, waxaa lasoo saaray isku aadka wareegga 16-ka ee koobka adduunka, iyadoo maanta la billaabayo labada kulan ugu horrreeya.
Badi xulalka waawayn ayaanan isku beegmin wareeggaan. Inkastoo Qaramo si yaable kusoo baxay aanan la dhayalsan karin awooddooda.
Xulka Argentine iyo Australia oo isku beegmay ayaa maanta wada cayaaraya, sidoo kale Natherland iyo Maraykanka ayaa wada cayaaraya.
Halkaan hoose ka akhriso isku aadka wareegga bugbaxa.












