Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta kormeer ku tagay xerada Jenaraal Goordan oo ay ku jiraan ciidamadii tababarka kuso qaatay wadanka Eratariya ee dhawaan Cutubkoodii ugu horeeyay dalka dib loogu soo celiyay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan qaybta Ilaalo Qaran, gaar ahaan...
Qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa ka qaxay qalalaasaha maalmihii ugu danbeeyay magaalada ka socday.
Sida BBC Somali sheegtay dad aan tirradooda la sheegin ayaa ka baxay magaalada Laascaanood, kadib mudaharaadadii iyo isku dhacyadii ciidamada iyo shacabka ee halka ka socday maalmihii lasoo dhaafay.
Mid kamid ah dadka...
Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Maanta kulan la qaatay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumaadda Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud iyo Guddiga doorashooyinka xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.
Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kala hadlay masuuliyiinta cayaaraha arrimo la xariira doorashada gudoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo la...
Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab dayib Erdogan ayaa Ibrahim Mete Yagli u magacaabay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, kaddib markii Erdogan uu saxiixay wareegto uu isku shaandheyn ugu sameeyay safiirada caalamka.
Wareegtada ayaa lagu daabacay Faafinta Rasmiga ah wax yar ka hor sanadka cusub.
Safiirka cusub ayaa beddeli doona Mehmet Yilmaz oo tan sannadkii...
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in maamul xumo ay xukuumadu ku kacday ay sababtay kacdoonada Laascaanood.
Waxa uu sheegay in kacdoonada magaalada Laascaanood ay qayb ka ciyaartay qaabka ay xukuumadu uga jawaabtay kacdoonka, waxa uu sheegay in hadalada masuuliyiinta xukuumada iyo talaabooyinka ciidamada amaanku ay xaalada...
Wararka naga soo gaarayo deegaanada Beerxaano iyo Dhoqor oo ku yaala dhanka Koonfureed ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in deegaanadaasi kooxda Al-shabaab ka afduubteen dad shacab ah.
Ku dhawaad 20 ruux oo dhamaantood ahaa dad shacab ah oo kasoo jeeda Beesha Xawaadle ayaa la xaqiijiyay in...
Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay guddiga farsamada ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa loogu talo galay inay isku dubaridaan farsamo ahaan shirka dib u heshiisiinta Koonfur galbeed oo la qabanayo shanta bishan January.
Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya,...
Saaxiibada Beesha caalamka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah.
Qoraal kooban oo ay Beesha caalamku kasoo saartay xaaladda Laascaanood, waxay ku sheegtay, in xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ay tahay waxay ugu muhiimsan.Beesha caalamku...
https://youtu.be/CwU4Xc_7Yqw
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dagaal culus uu ka dhex qarxay Ururka Al-shabaab ee ku sugan degmada Xarardgeere ee gobolka Mudug.
Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya lagu shaaciyay in dagaal xoogan uu ku dhexmaray xubno ka wada tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab nawaaxiga deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, kaasoo...


















