Golaha Wakiilada Somaliland ayaa daan daansi iyo sharci daro ku tilmaamay guddi uu guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaliya u magacaabay xalinta qalalaasaha Laascaanood.
War-saxaafadeed golaha kasoo baxday ayaa lagu sheegay in Golaha Wakiilada Somaliland yahay gole si dimuquraadi ah loo soo doortay isla markaana uu masuul ka yahay dadweynaha Somaliland.
"Golaha Wakiilada...
Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa in ka badan 15 weerar oo xagga cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya 2022-kii. Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo caawinta dowladda Soomaaliya, ayaa kordhay in ka badan 30% sanadkii hore.
Qaar ka mid ah xildhibaannada Congress-ka, ayaa baaritaan ku sameeyay howlgallada AFRICOM, iyaga oo...
Ciidanka Millateriga Somaliland, ayaa sheegay in aanu ciidanku gobolka ka bixi doonin, hadii amni daro danbe dhacdana uu xoog nabada ku sugi doono.
Taliyaha Ciidamada Millateriga ee Gobolka Sool Sareeye Guuto Mahad Cambaashe, ayaa digniin u diray dad uu sheegay in ay rabaan in ay magaalada Laascaanood qas galiyaan, isagoo...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa ugu baaqay Somaliland inay xal nabadeed ku dhameyso qalalaasaha ka taagan magaalada Laascaanood.
Madaxweyne Sheikh ayaa sheegay inay ka damqanayaan in dad Soomaaliyeed oo calankii huwan ay dhibaatoonayaan.
Madaweynuhu wuxuu sheegay, in Somaliland looga baahan yahay inay hab ka duwan habkii hore u wajahdo xaaladda Laascaanood...
Ciidamo Jabhad ah Taageersan Laascaanood ayaa Lagu Soo waramayaa in ay Magaalada Soo Galeen kadibna ay bilawdeen isu Soo baxyo Hubeysan oo Rasaas farabadan hawda loo ridayo iyadoo Ciidamadii Somaliland Banaanka Ka Joogaan Magaaladana isaga Baxeen Labo maalin ka Hor.
Ciidamadda oo uu Wato Sarkaal Magaciisa Lagu Sheegay Fatsal Falaalug...
Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga kasii daysay 29 dhalinyaro ah oo laga soo xidhay bannaanbaxyadii magaalada Laascaanood.
Dhalinyaradan oo laga siidayay xabsiga Madheera ee gobolka Saaxil, ayaa lagu wareejiyay mudan iyo odayaal reer Sool ah, oo ku howlan xal u helista qalalaasaha magaalada Laascaanood.
"Heshiisyadii aanu xukuumadii ula tagnay waa kii koowaad...
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqan celinta dagaalamayaasha ka soo goosta Al-Shabaab, ayaa ku dhow inay joojiso taageerada ay ku bixiso xarumaha lagu dhaqan celinayo Shabaabka soo goosta.
Haya’dda socdaalka aduunka ee IOM ayaa warqad ay soo saartay dhamaadka bishii hore ee lasoo dhaafay, waxay ku sheegtay in aysan sannadkan...
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inay bixin doonto lacag dhan 10 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah si loo soo qabto hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo lala xiriirinayo weerarkii 2020-ka lagu qaaday Saldhig Ciidamada Cirka Kenya oo lagu dilay Saddex muwaadin oo Mareykan ah.
“Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda...
Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay inay kooxda Alshabaab xilli dambe oo xalay ahayd weerar ku billowday qaraxyo ay kusoo qaadeen deegaanka Hilowle gaab oo ah xadka kala qeybiya gobolada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.
Afhayeenka maamulka Hirshabeelle, Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in dagaalka Alshabaab halkaas lagula galay oo socday in ka...
Dowladda Soomaaliya ayaa xalay ciidamo gurmad ah u dirtay howlgallada dib u xoraynta ee ka socda gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.
Ciidamadan oo ka baxay magaalada Muqdisho, ayaa ku wajahan deegaannada kuyaala bariga gobolka Galgaduud si ay u gurmad ugu noqdaan ciidamada xoreeyay qeybo kamid ah Galgaduud.
Saraakiisha hoggaaminaya ciidamadan ayaa...


















