Magaalada Laascaanood oo Markale Xiisad iyo Rabshado ka Billawdeen Kadib Ciidamo La Sheegay in uu Wato Faysal Falaalug ay soo galeen.

0
563

Ciidamo Jabhad ah Taageersan Laascaanood ayaa Lagu Soo waramayaa in ay Magaalada Soo Galeen kadibna ay bilawdeen isu Soo baxyo Hubeysan oo Rasaas farabadan hawda loo ridayo iyadoo Ciidamadii Somaliland Banaanka Ka Joogaan Magaaladana isaga Baxeen Labo maalin ka Hor.

Ciidamadda oo uu Wato Sarkaal Magaciisa Lagu Sheegay Fatsal Falaalug ayey Shacabka iyo Dadka Reer Laascaanood u arkaan Awood kusoo Biirtey kana Qeyb Qaadan doonaan Difaaca Magaalada Si Ciidamada Somaliland Markale ugu Soo Laaban Magaalada Dhexdeeda.

Lama Oga waxa Dhalandoona Ciidamadan iyo Sida Somaliland u Aragto iyadoo ay dhici karto in Somaliland ka Carooto Dagaalna Dib uga Qarxo Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool,wixii warar kusoo kordha wararka kale ayaad uga bogan doontaan insha allaah.