Tuesday, August 11, 2026
Booliiska maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in weerar ka dhacay deegaanka Balidhidhin oo ka tirsan gobolka Bari lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Daacish oo lagu magacaabi jiray Abu-Albara Al Amani. War qoraal ah oo kasoo baxay ciidanka Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka ay ka hortageen weerar...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Banaanbax ka dhacay magaalada Muqdisho oo ka dhan ahaa kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xariira dhibaatooyinka ay geysteen kooxda Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay dhibaatooyinkii lama ilaawaanka ah oo ay kooxda u geysteen dadka...
Maxkamada darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa Maanta oo Khamiis ah xukun dil toogasho ah ku riday Taliye Urur ka tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle oo la sheegay inuu ka dambeeyay qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Dhame Shariif Maxamed Barkhadle ayaa...
Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay heshay digniino caalami ah oo ku aadan waxyeelada laba daawo oo sharooba ah kuwaas oo loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca Neefmareenka. Labada Sharoobo ayaa kala ah: AMBRONAL SYRUP iyo DOK-1 Max Syrup oo ay soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD...
Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel xeero oo qiyaas ahaan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan u jirta 20 KM ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay maanta halkaasi ku gowraceen Qaarna Rasaas la Dhaceen in ka badan 300 oo neef oo ari ah. Arigaan ay Maanta Laayeen Al-Shabaab ayaa waxaa lahaa dad...
Mustafe Maxamed Martin oo ah shakhsi arrimaha siyaasada kaga faalooda baraha bulshada, isla markaana hore mucaarad ugu ahaan jiray xukuumada Somaliland, ayaa Hargaysa lagu xidhay. Martin oo ku nool dalka Maraykanka, ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii isaga iyo xaaskiisu ay safar ku yimaadeen Somaliland todobaadkan, lamana oga sababta dhabta...
Faahfaahin dheeri kasoo baxaysa weerar ay habeenkii xalay deegaanka Balidhidin ee gobolka Bari ee Puntland ka geysteen dagaamalayaal katirsan kooxda Daacish. Wararka aan helayno waxay sheegayaan in iska hor imaad dhex maray dablay katirsan Daacish iyo ciidamada Puntland uu dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac. Kooxda Daacish ayaa weerartay saldhig ay...
Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa ku geeriyootay weerar ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya oo lala eegtay kolanyo gaadiid ah oo ay la socdeen Injineero iyo shaqaalo ku howlana dhismaha wado tareen oo isku xireysa dalalka Kenya iyo Itoobiya. Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa qarax miino oo wadada...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa macaawisleyda ayaa burburiyay labo gaari oo la sheegay inay Alshabaab qaraxyo kasoo buuxiyeen. Ciidamada ayaa howlgalkaan ka sameeyay deegaano hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeelada dhexe, waxayna saraakiisha ciidamadu sheegeen in Alshabaab ay qorsheynayeen inay weeraro ka fuliyaan gobolka Shabeelada dhexe. Saraakiisha howlgalka hoggaaminayay...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa si weyn u ilaalisay nidaamka federalaynta iyo dib u daadajinta dalka. Hadalka madaxweynaha ayaa u muuqday mid looga jawaabayay eedayn dhawaan kasoo yeertay madaxweynaha Puntland oo sheegay in dowladda federalku ka shaqeynayso sidii dalka dib loogu celin lahaa nidaamkii uu...