Farxiyo Cabdi Waasuge oo ahayd wasiiru dowlihii wasaaradda gaaadiidka iyo duulista hawada Galmudug ayaa caawa lagu dilay magaaalda Muqdisho.
Dilkeeda ayaa ka dhacay degmada Warta Nabadda, waxaana ka dambeeyay kooxo ku hubaysnaa bislood.
Marxuumaddu waxay ka mid ahayd wasiirradii dhawaan la magacaabay. Muddo kooban ayay xafiiska joogtay.
Lama garanayo cidda dilkeeda ka...
Shir ay aayahooda siyaasadeed kaga tashanayaan madaxda dhaqanka gobolada Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ayaa maanta ka furmay magaalada Laascaanood.
Shirkan oo maalmihii lasoo dhaafay ay qaban qaabadiisu ka socotay magaalada Laascaanood ayaa hada furmay, madasha uu shirku ka dhacayo ayaa lagu sharaxay calamada Soomaliya iyo ka...
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in ka gole ahaan ay ka howlgalayaan xalinta khilaafka Laascaanood, isaga oo dhanka kale sheegay in anay ahayn arrin isaga dusha ka saaran.
Guddoomiyaha ayaa xili maanta warbaahintu su'aalo ka waydiisay xaalada gobolka Sool, ku jawaabay hadalo iska hor imanaya, isaga...
Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa dalka Senegal kulan kula qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) Dr. Akinwumi Adesina iyo xubno sare oo ka tirsan Bangiga.
Dr. Cilmi ayaa madaxweynaha Bangiga la wadaagay warbixin ku saabsan dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumar laga gaaray arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo...
Garaadka Guud ee Beelaha Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa sheegay in uu rabo in dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ay soo faragaliyaan arrinta Laascaanood.
Garaad Cali oo waraysi siiyay Brit Somali TV, ayaa sheegay in uu Soomaaliya iyo Jabuuti ka codsanayo in ay soo kala gaadhaan...
Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta shaaciyay Jadwalka qashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Dhuusamareeb, kaasoo ka mid ah kuraasta ka banaaneyd Golaha Shacabka.
Guddiga ayaa shaaciyay in Maalinta berito ay bilaabaneyso diiwaan gelinta,...
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaanada gobolka Mudug.
Jenaraal Biixi ayaa sheegay in ciidamada huwanta ah ay guulo muhiim ah ka soo hoyeen howlgalada ka dhanka ah Shabaab ee ka...
In ka badan 300 oo culimada Soomaaliyeed ah oo todobaadkii hore shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday inay taageerayaan dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabab.
Culimada ayaa hadalkaan ku sheegay bayaan ay soo saareen ka dib shir afar maalmood socday oo ay culimada yeesheen, laguna dhisay...
Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday Magaalada Muqdisho 23 – 26 Jannaayo 2023 ayaa lasoo geba-gebeeyey waxaana ka soo baxay warmurtiyeed dhowr ah.
Culimada ayaa bogaadiyey howgallada xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka Alshabaab.
Sidoo kale culimada ayaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ku qeexay Jihaad, islamarkaana qofkii ku dhintaa uu...
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Taliye Cusub Loo Magacaabey Iyadoo Xilkii Laga Qaadey Gen. Xijaar.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa taliye cusub usoo magacowday ciidanka Booliiska Soomaaliya, waxaana lagu meel mariyay shirka golaha wasiirrada ee Soomaaliya.
General Sulub Axmed Firin ayaa loo magacaabay inuu noqdo taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed, kadib soo jeedin ka timid wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya.
General Sulub Axmed Firin, ayaa haatan ah wasiir...


















