Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed Ee Ka Socday Muqdiaho Oo Warmurtiyeed Laga Soo Saaray.

0
412

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday Magaalada Muqdisho 23 – 26 Jannaayo 2023 ayaa lasoo geba-gebeeyey waxaana ka soo baxay warmurtiyeed dhowr ah.

Culimada ayaa bogaadiyey howgallada xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka Alshabaab.

Sidoo kale culimada ayaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ku qeexay Jihaad, islamarkaana qofkii ku dhintaa uu yahay Shahiid.

“Shirweynuhu wuxuu u Caddaynayaa Ummada Soomaliyeed in Dagaalka lagula jiro Alshabaab uu yahay Jihaad lagu Difaacayo Maqaasida waaweyn ee Shareecada Islaamka Badbaadinta Diinta, Nafta, Caqliga iyo  Sharafta Qofka Aadanaha ah” ayaa lagu yiri Warmurtiyeed  laga soo saaray Shirka Culimada Soomaliyeed.

Shirweynahan maanta la soo gabagabeeyey ayaa ku soo aadaya xilli dagaal ka dhan ah Al-shabaab uu ka socda gobolada dalka gaaar ahaan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.