Monday, August 10, 2026
Madaxweyneyaasha Kenya iyo Eritrea oo kulamo kala duwan maalmihii lasoo dhaafay ku lahaa magaalada Nairobi ayaa waxa ay isla gorfeeyeen arimo badan oo muhiim u ah labada dal. Labada Dowladood Madaxweynayaashooda ayaa ku heshiiyay qodobo ay kamid yihiin sidii loo fudeyn lahaa socdaalka iyo xiriirka ganacsiga labada wadan ee Kenya...
Afar qof  oo Soomaali ah ayaa lasoo saarey maydkooda 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kadib markii ay ku dhinteen dhul gariirkii Isniintii ka dhacay dalka Turkiga. Dowladda Turkiga ayaa wali wadda dadaallada ay kusoo saarayaan maydadka ku hoos jira guryaha dumay. Waxaa adag xaaladda dalkaasi, waxaana dhimashada la sheegayaa inay dhaaftey...
Ciidamada Booliiska Saldhiga degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir ayaa gacanta kuso dhigay rag burcad ah oo kaarar been abuur ah ku dhacayay dadka barakacayaasha ah ee ku nool duuleedka magaalada Muqdisho. Ragaan ay gacanta kusoo dhigeen Booliiska degmada Dharkeenleey oo ah sadax ruux ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay...
Ururka Al-shabaab ayaa iska fogeeyay sheegashada Soomaaliland ee la xariirta in dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab qeyb ka yihiin dagaalka ka socda magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Al-shabaab ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay si adag u beenisay hadalka Soomaaliland ee ah in dagaalyahanadeeda qeyb ka yihiin...
Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose ka bilaabay dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay ee ku aadan qorshaha labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada Jubbaland. Saacadahii lasoo dhaafay waxaa degmada Afmadoow la dajiyay ciidamo farabadan oo laga qaaday degmada Dhoobleey, kuwaas oo ka mid noqonaya...
Ciidanka Booliska Saldhigga Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa qabtay 3-daan nin oo la sheegay inay ka kamid ahaayeen ciyaal-weerada dadka shacabka ah dila, kuwaas oo dhaawac u geystay ruux muwaadin ah, kadibna ka dhacay dhamaan waxyaabihii uu watay. "Ciidanka Booliska deegaanka Ceelasha ayaa Dhamaantood kusoo xiray Saldhigga Deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana...
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS), Danjire Mohammed El-Amine Souef. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay hawlgalada dib-u-xoreynta dalka ee ka socdo deegaanada Jubbaland iyo...
Waxaa Maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyay qaar ka mid ah dadkii kusoo dhaaaacmay dagaalada ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dhaawacyadaan oo ay siday diyaarad gaar ah oo kasoo qaaday magaalada Garoowe ayaa tira ahaan gaarayay 18 ruux, kuwaas oo gaadiidka gurmadka...
Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa loo magacaabay inuu noqdo hanti-dhawrka guud ee Qaranka, kadib soo jeedin ka timid wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Abuukaate Axmed Ciise oo horey xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, ayaa magacaabiddiisa lagusoo bandhigay shirka golaha wasiiradda, halkaas oo lagu ansixiyay. Waxaa uu...
Xukuumada Somaliland ayaa markale sheegtay in ay hayso maxaabiis ka tirsan Al Shabaab, iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland. "Waxaanu hayna maxaabiis Al Shabaab ah, maxaabiis Puntland ah, waxay soo weerareen xeryaha millateriga, waxaananu u diyaar nahay in aanu usoo bandhigno beesha caalamka" Wasiirka Arrimahada Dibada Ciise Kayd Maxamuud ayaa...