Ciidanka Booliska Saldhigga Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa qabtay 3-daan nin oo la sheegay inay ka kamid ahaayeen ciyaal-weerada dadka shacabka ah dila, kuwaas oo dhaawac u geystay ruux muwaadin ah, kadibna ka dhacay dhamaan waxyaabihii uu watay.
“Ciidanka Booliska deegaanka Ceelasha ayaa Dhamaantood kusoo xiray Saldhigga Deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana loo soo gudbinayaa xarunta Danbi-baarista CID-da Ciidanka Booliska Soomaaliyed.
Howlgalka ka dhanka ah Ciyaal-weerada iyo burcadda ayaa si xowli ah uga socda dhamaan Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo deegaannada kale ee hoos Yimaada,” ayaalagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.












