Axmed Madowe Iyo Madaxa Hawlgalka (ATMIS) Ee Soomaaliya Oo Kulan Ku Yeeshay Kismaayo.

0
404

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS), Danjire Mohammed El-Amine Souef.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay hawlgalada dib-u-xoreynta dalka ee ka socdo deegaanada Jubbaland iyo sidii Ciidanka ATMIS uga qayb qaadan lahaayeen gulufka lagu wiiqayo kooxaha argagixisada.

“Kulanka ayaa looga hadlay dib-u-xoreynta deegaanada Jubbaland ee cadowgu haysto iyo sidii hawlgaladaas ay uga qayb qaadan lahayeen Ciidamada ATMIS.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland.

Wakiilka Midowga Afrika ee dalka ayaa waxaa safarkiisa KIsmaayo ku wehlinayay xubno ka mida Saraakiisha Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo howlwadeenada Taliska ATMIS.