Xisbiga Dimuqraadiga Jabuuti (PADD) oo ah xisbiga mucaaradka ah ee ka dhisan dalka Jabuuti ayaa sheegay inuu ogaaday in saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland ay yimaadeen Jabuuti.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in saraakiisha tagay Jabuuti ay wadeen dhambaal ka socday madax-weynaha Soomaaliland Muuse Biixi.
Mucaaradka Jabuuti waxay sheegeen...
32 sano kadib, ugu dambayntii waxaa maanta si rasmi ah loo furayaa safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee London ee UK.
Safaaradda oo ku taal Winchester House oo ah Waddada Old Marylebone, ayaa bixin doonta adeegyada muhiimka ah ee lagu qiyaaso 500,000 oo qurbo-joog Soomaaliyeed ah oo ku nool United Kingdom...
Guddoomiye Ku xigeenkii dhawaan xukuumada Somaliland u magacowday gobolka Sool ayaa is casilay, xukuumadana wuxu ugu baaqay in ay ciidankeeda kala baxdo gobolka.
Saleebaan Diiriye Cabdi oo madaxweyne Biixi u magacaabay xilka guddoomiye ku xigeenka Sool bilowgii kacdoonka Laascaanood, ayaa sheegay in uu xalka nabadu ku jiro Somaliland oo ciidankeeda...
Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo ah guddoomiyaha urur siyaasadeedka Shacabka ee Somaliland, ayaa xukuumada ugu baaqay in ay millatariga ka saarto gobolka Sool.
Xaglatoosiye ayaa dhaliilay sidii ay xukuumadu uga jawaabtay shacabkii ka gadooday dilalka Laascaanood, isaga oo dhashay in anay ahayn in shacabka xabad loo isticmaalo.
"Shacab kaasi kacdoon ayay sameeyeen...
Duqa degmada Laascaanood ee Somaliland, Cabdirixiin Cali Ismaaciil, ayaa markii ugu horraysay kasoo muuqday saxaafadda tan iyo markii Laascaanood uu billowday dagaal u dhaxeeyaa Somaliland iyo ciidanka SSC.
Duqa iyo xildhibaano katirsan golihiisa deegaanka oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Laascaanood ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay xasuuq ba’an ka...
Xukuumadda Federalka Soomaaliya oo Sheegtay in ay Soo Kordheen Xubnaha Iska Soo Dhiibaya Al-shabaab.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daa'uud Aweys Jaamac oo Maanta shir jaraa'id ugu qabtay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalamayaashii ugu badnaa kooxda Al-shabaab ay isku soo dhiibeen dowladda.
Wasiirka Warfaafinta ayaa tilmaamay in marba marka ka dambeysa ay soo kordhayeen xubnaha ka mid ka ah Shabaab ee...
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah isimadii dhaqanka ee dhawaan shirku ugu soo dhamaaday Laascaanood, ayaa sheegay in aanu dagaalku istaagayn ilaa ciidamada Somaliland baxaan.
Garaad Ismaaciil, oo ka jawaabay baaqii nabadgalyo ee xukuumada Somaliland soo saartay, ayaa sheegay in uu dagaalku soconayo hadii ciidanka Somaliland aanu ka bixin...
Dagaalka Laascaanood ayaa galay maalintii saddexaad oo xidhiidha, xukuumada Somaaliland ayaana markale sheegtay in ay dagaal kula jirto argagixiso.
Qoraal lagu baahiyay boga Facebook ee Wasaarada Arrimaha Guddaha, ayay xukuumadu si lamid ah labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sheegtay in kooxo xagjir ahi ay soo weerareen fadhiisimada millateriga Somaliland...
Guddiga xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay, ayaa ku booriyay dowladda Soomaaliya inay baaritaan ku sameyso dilalka Laascaanood ee ay gaysanayaan ciidamada amaanka Somaliland iyo kuwa kasoo horjeeda ee deegaanka SSC.
Volker Türk oo ah guddoomiyaha guddiga, ayaa wuxuu u soo jeediyay dowladda Soomaaliya inay baarto oo ay caddaaladda horgeyso dadka ku...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho ku saabsan xoojinta xiriirka Talyaaniga.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa marti-qaad ka helay madaxda dalka Talyaaniga, isagoo kulamo la qaadan doona dhiggiisa Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni oo ay ka wada-xaajoonayaan...


















