Wednesday, August 5, 2026
Prof. Yahya Amir ayaa si kulul uga hadlay go’aanka Golaha Wasiirrada ee ku saabsan qaabka loo qeybiyay degmooyinka Muqdisho, isagoo ku tilmaamay mid aan sharciyad buuxda lahayn isla markaana ka hor imaanaya nidaamka federaalka ee Soomaaliya lagu dhisay. Prof. Yahya, oo qoraal arrintan kaga hadlay, ayaa sheegay in Golaha Wasiiradu...
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray ogeysiis rasmi ah oo lagu wargelinayo dhammaan xisbiyada siyaasadeed ee diiwaangashan, kadib markii la dhameystiray hubinta iyo diiwaangelinta astaamaha (calaamadaha) iyo lambarrada xisbiyada ee loo isticmaali doono doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee soo socda. Sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Xafiiska...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu guddoomiyey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo muhiim u ah horumarka iyo maamulka dalka, gaar ahaan diyaar-garowga doorashooyinka qof iyo cod ee la...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah oo loogu talo galay xaqiijinta amniga magaalada Caasimadda ah geysay daafaha magaalada Muqdisho. Ciidamadaan oo ah kuwa soda gaarka ah u tababaran ayaa la tilmaamay iney si gaar ah ula socon doonaan dhaq dhaqaaqa guud ee waxa soo galaya gudaha magaalada Muqdisho, si...
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Somaliland ayaa sheegtay inay ka war-hayso cabashooyinka iyo culaysyada soo kordhay toddobaadyadii u dambeeyay ee ay qabaan dadka u socdaalaya Somaliland kadib markii lagu qasbay in ay qaataan fiisaha danabaysan ee Soomaaliya. Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Somaliland,...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in la dhiso deked cusub oo masaafo dhan 35 km u jirta magaalada Muqdisho, si loo xoojiyo ganacsiga badda loona yareeyo ciriiriga dekedda Muqdisho ee hadda jirta. Dekeddan cusub ayaa sida dowladdu sheegtay waxay qeyb ka noqon doontaa qorshe ballaaran oo lagu casriyeynayo kaabayaasha dhaqaalaha...
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda amniga maamul goboleedka Galmudug ayaa lagu mamnuucay gaadiidka dagaalka, gaar ahaan nooca loo yaqaano Cabdi bilaha in laga soo dejiyo Dekedda magaalada Hubyo ee gobolka Mudug. Warka kasoo baxay Wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in wixii maanta ka dambeeya la mamnuucay gaadiidka nooca Toyota 4WD...
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hoggaaminayay ayaa maanta laga hor istaagay iney u safraan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Arintaan ayaa salka ku hayso Khilaaf siyaasadeed u dhaxeeya Siyaasiyiintan kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Xasan...
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa si adag u sheegay in hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Jubaland (JISA) ay haatan tahay hay’adda ugu awoodda badan uguna xog-ogaalsan arrimaha amniga ee Geeska Afrika. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad uu xarigga kaga jarayay xarunta dhexe ee cusub ee JISA oo si...
Puntland ayaa ku xukuntay 15 kalluumeysato ah oo u dhashay Iiran midkiiba $500 oo ganaax ah iyo in dalkooda loo musaafuriyo, kaddib markii lagu qabtay iyagoo sifo sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha Puntland. Sidoo kale, Puntland ayaa xukuntay in aan loo qabsan magtooda laba nin oo Iraaniyiin ah oo...