Tobannaan kun oo reer Minnesota ah ayaa Jimcihii isugu soo baxay bartamaha magaalada Minneapolis, si ay uga mudaaharaadaan kordhinta howlgallada sharciyada socdaalka ee dowladda federaalka — iyagoo dalbanaya xuquuqdooda madaniga ah iyo in dib loo celiyo 3,000 askari oo uu maamulka Madaxweyne Donald Trump u soo diray gobolkaas.
Mudaaharaadku wuxuu ka dhacay munaasabad loo bixiyay “ICE Out of Minnesota: Maalinta Runta & Xorriyadda,” taas oo ahayd shaqo-joojin guud oo ay taageereen ururrada shaqaalaha Minnesota, hoggaamiyeyaasha diinta, iyo hawl-wadeennada bulshada.
Qaban-qaabiyayaashu waxay ku boorriyeen dhammaan reer Minnesota inay shaqada iyo dugsiyada ka maqnaadaan, isla markaana ay ka fogaadaan wax iibsiga — si loo carqaladeeyo socodka caadiga ah ee ganacsiga loogana mudaaharaado joogitaanka wakiillada federaalka ee socdaalka ee Minnesota.
Mudaaharaadka weyn wuxuu ka bilowday The Commons Park saacadda 2:00 galabnimo ee Minneapolis. Socodkii ayaa ku dhammaaday isu-soo-bax lagu qabtay halka loo yaqaano Target Center.
Tobannaan kun oo qof ayaa ku socday bartamaha Minneapolis iyagoo ku jira qabow ka hooseeya eber, si ay uga mudaaharaadaan joogitaanka ballaaran ee wakiillada ICE toddobaadyadii la soo dhaafay.
“Waxaan maanta halkan u joogaa sababtoo ah waxa ka socda magaaladeenna gebi ahaanba lama aqbali karo. Waxay saameyn ku yeelanaysaa nolosha ardaydeena iyo qoysaskooda aan u adeegno,” ayay tiri Dockter oo ka tirsan qaban qaabiyayaasha mudaharaadka.
Mudaaharaad subaxnimadii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Minneapolis–St. Paul ayaa sababay in ku dhowaad 100 wadaad ay xiraan booliiska MSP iyo Bloomington Jimcihii, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen qaban-qaabiyeyaasha.











