Hawlgalka AUSSOM oo La Shaaciyey in Ciidamada Dalka Masar ku Soo Biirayaan Lana Dajiyo Gobolka Shabeelaha Dhexe.

0
313

Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Masar ay si rasmi ah ugu biiri doonaan Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaddib marka la soo gabagabeeyo diyaarinta arrimaha farsamo iyo kuwa sharci ee lagama maarmaanka u ah bilaabista hawlgallada.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in cutubka Masar uu door muhiim ah ka qaadan doono la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada istiraatiijiga ah ee dalka.

Sida lagu sheegay qorshaha hawlgalka, ciidamada Masar ayaa la filayaa in ay ka hawlgalaan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay la wareegi doonaan xeryo ay horay u joogeen ciidamada Burundi.

Ciidamada Burundi, oo Soomaaliya ku sugnaa ku dhowaad labaatan sano, ayaa door weyn ka qaatay dagaalladii lagaga saaray Al-Shabaab deegaanno badan oo ay ka mid tahay caasimadda Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Mas’uuliyiinta AUSSOM ayaa sheegay in ujeeddooyinka istiraatiijiga ah ee hawlgalkan ay ka mid yihiin xoojinta awoodda dowladda federaalka Soomaaliya, yareynta saameynta kooxaha xagjirka ah, iyo dib-u-dhiska hay’adaha amniga qaranka.

Dhanka kale, hoggaanka hawlgalka AUSSOM ayaa ka digay caqabado ka imaan kara dhinaca maalgelinta, iyagoo xusay in guusha hawlgalka ay ku xirnaan doonto helitaanka dhaqaale joogto ah oo la isku halayn karo.