Wednesday, August 5, 2026
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u kala diray Maxkamaddii Ciidamada Qalabka Sida iyo Dembiyada Culus ee Puntland. Madaxweynaha ayaa talaabadan ku sababeeyay cabashooyin taxane ah oo ka yimid guddoonka iyo garsoorayaasha maxkamadda, kuwaas oo ku saabsan eedeymo la xiriira caddaalad-darro iyo musuqmaasuq. Madaxweyne Deni ayaa sheegay...
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta (UAE) horey u jebiyay xayiraadda hubka ee lagu soo rogay dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, kadib markii la ogaaday in qalab miltari oo lagu sameeyay UK oo laga iibiyay Imaaraatka lagu arkay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gacanta u galay kooxaha hubeysan ...
Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa wareegto uu kasoo saaray xafiiskiisa ku sameeyay isbeddel ballaaran oo ku saabsan qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada maamulkaas. Wareegtada Madaxweynaha ayaa lagu saleeyay qodobada 56-aad iyo 57-aad ee Dastuurka Hirshabeelle, kuwaas oo u oggolaanaya Madaxweynaha inuu magacaabo ama beddelo xubnaha Golaha...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Prof. Saalim Caliyow Ibroow inuu noqdo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul wasaaraha, Go’aanka magacaabista ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaruhu uu qiimeeyay baaxadda iyo...
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta Dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay laba gaari oo dab-damis ah oo casri ah, kuwaas oo lagu xoojinayo adeegyada gurmadka degdegga ah ee caasimadda. Deeqdan ayaa qayb ka ah iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Dowladda...
Wasiirka Gaadiidka ee Yemen, Dr. Cabdisalaam Xamid, ayaa magaalada caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Cadan, kulan kula yeeshay safiirka Soomaaliya ee Yemen, Cabdulhakiim Maxamed, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada gaadiidka badda iyo hawada. Wasiir Xamid ayaa kulanka ka sheegay in xiriirka taariikheed, bulsho iyo siyaasadeed...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, iyo madaxda sare ee Shirkadda Favori, oo gacanta ku haysa maamulka Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Intii uu kulanka socday, madaxa Shirkadda Favori ayaa...
Dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika, iyadoo shirkii 11-aad ee Madasha Sare ee Tana ee Amniga Afrika uu diiradda saaray doorka istiraatiijiga ah ee gobolkaasi ku leeyahay arrimaha amniga iyo horumarka qaaradda. Maalintii ugu horraysay ee...
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Mahad Abdirahman Aadan, oo loo yaqaan Taliye Shub’, ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin adag oo lagu xakameynayo isticmaalka daroogada iyo ka-ganacsiga hubka ee gudaha ciidamada, isaga oo ku baaqay in saraakiisha iyo shaqaalaha ciidamada ay muujiyaan daacadnimo iyo anshax sare oo shaqo. Taliye Mahad ayaa...
Tuulada Kursi ee degmada Wajeer, ayaa si weyn looga ammaanay qoys Soomaaliyeed oo muddo ku dhowaad laba sano daryeelay haramacad dhal ah, kadib markii ay si lama filaan ah uga heleen meel cidla ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Adeegga Duurjoogta Kenya (KWS). Qoyska oo ay hormuud u yihiin Bashiir Cabdi...