Hindise Sharciyeedka Amniga Seybarka oo Golaha Barlamaanka Federalku Meel Mariyeen.

0
300

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay Sharciga Amniga Saaybarka, kaas oo loogu talagalay ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah, sugidda nidaamyada macluumaadka, iyo xoojinta amniga qaranka ee dhanka saaybarka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo u codeeyey Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya ayaa waxaa ogolaatay 144-Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin.

Sharcigan wuxuu dejinayaa qaab qaran oo dhameystiran oo lagu maareeyo amniga saaybarka, isagoo qeexaya mas’uuliyadda Wasaaradda Isgaarsiinta, doorka farsamo ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, waajibaadka hawl-wadeennada kaabayaasha muhiimka ah, iyo nidaamka ka-hortagga, ka-warbixinta iyo ka-falcelinta shilalka amniga saaybarka. Sidoo kale, sharcigu wuxuu aasaasayaa Xarunta ka Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga SOMCIRT.

Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa sharcigan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo dhismaha nidaam qaran oo isku-duuban lagu xoojinayo, isagoo carrabka ku adkeeyay in uu ka qayb qaadan doono u-diyaar-garowga iyo ka-falcelinta khataraha dhijitaalka ah.

Dhinaca kale, Axmed Cismaan Diiriye, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta sharcigan, isagoo xusay in uu yahay tiir muhiim u ah ilaalinta danaha muwaadiniinta, sugidda amniga qaranka, iyo waafajinta Soomaaliya heerarka caalamiga ah ee amniga saaybarka.

Sharcigan ayaa sidoo kale door muuqda ka qaadanaya xoojinta kalsoonida adeegyada dhijitaalka ah, kobcinta dhaqaalaha dhijitaalka, iyo adkeynta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay, iyo bahda caalamka.