Ra’iisal Wasaaraha Dawlada Federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Duray Nidaamka Federalka ah ee Soomaaliya ku Dhisantahay.

0
332

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markii ugu horeysay si adag u dhaliilay nidaamka Federaalka ee ka jira gudaha Soomaaliya.

Xamse Cabdi Barre ayaa si cad u sheegay in nidaamka Fedaraalka oo 22 sano ka jira gudaha dalka inuu noqday mid aan waxba ku soo kordhin dalka.

“Nidaamka Federaalka wuxuu naga haleeyo mooyee wuxuu noo hagaajiyo waan la’ nahay, 22 sano ayuu dalka ka shaqeyn haya nidaamkan wuxuina inagu sii kordhiyay qabyaalada, marka waxaan u baahanahay cid si gaar ah u dabagasha nidaamka oo xal wanaagsan inooga keenta” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Hadalkaan ayuu maanta ka sheegay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya munaasabad ay ku qalin jabiyeen aqoonyahanada dhamaystay Waxbarashada heerarka sare ee Master iyo PhD, ee Jaamacadda Nabadda University for Peace (UPEACE).

Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa aqoonyahanada kula dardaarmay iney cilmigooda ugu adeegaan dadka iyo dalka, islamarkaana mudnaan gaar ah siiyaan horumarinta aqoonta, si looga gudbo caqabadaha hortaagan xasilloonida iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.