Wednesday, August 5, 2026
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare kala duwan geystay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada u Maraayo iyo Baalal dheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Dagaalkaan ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa,...
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed, kaas oo lagu eedeeyay in uu si arxan darro ah xaaskiisa ugu dilay toorey. Dilkan foosha xun ayaa ka dhacay xaafad ka tirsan Degmada Garasbaaley, waxaana markiiba howlgal degdeg ah bilaabay ciidamada booliska,...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga Garoonka Muqdisho iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan. Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in magacaabistan la sameeyay ka dib markii la tixgeliyay aqoonta, kartida iyo waayo-aragnimada dheer...
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga, halkaas oo uu kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Talyaaniga, Guido Crosetto. Kulankan oo ka dhacay magaalada Roma ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca, amniga badda, la-dagaallanka argagixisada,...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kaga qaybgalay Aaska Qaran ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Amolo Odinga. Madaxweynaha ayaa ku biiray madaxda caalamka iyo kuwa gobolka oo isugu yimid Garoonka Kubadda Cagta ee Nyayo Stadium, si ay uga...
Ciidamada ammaanka ee degmada Beledxaawo ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan dhagarqabe qorsheynayay fal argagixiso oo halis gelin lahaa nolosha shacabka iyo ciidamada deegaanka, kadib howlgal qorshaysan oo ay sameeyeen xilli habeenimo ah. Ninkan, oo aan weli magaciisa la shaacin sababo la xiriira baaritaanka socda, ayaa lagu qabtay isagoo...
Waxaa aad u sii kordhaya beegsiga lagu haya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan deegaanada hoostaga magaalada Cape town. 48 saacadood gudahood ayaa muwaadinkii labaad lagu dilay Koonfur Afrika, gaar ahaan deegaanka Khayelitsha oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalo xeebeedka Cape town. Nuur Maxamed Mahdi oo...
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Saadad Caliyow, ayaa si cad u sheegay in aysan jirin wax qorshe ah oo ku saabsan dhismaha maamul cusub oo la yiraahdo “New Jubaland” oo laga hirgelinayo gobolka Gedo. Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Arlaadi ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga, diblomaasiyadda, iyo horumarinta adeegyada dowladda. Waxaa kulanka lagu ansixiyay soo jeedin rasmi ah oo ka timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, taas oo la xiriirta dalacsiinta...
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa ku dhawaaqay qorshe ballaaran oo dowladda Soomaaliya ay ku doonayso iney kala bar uga dhigto ku-tiirsanaanta shidaalka dibadda laga keeno ee korontada laga dhaliyo, taasoo lagu beddelayo tamar laga dhaliyo qoraxda muddo saddex sano gudahood ah. Wasiir Bidhaan oo...