Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah kula yeeshay Xafiiskiisa magaalada Muqdisho wafdi sare oo ka socday dowladda Turkiga.
Wafdiga sare ee dowladda Turkiga ee kulanka la qaatay Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminaayay Agaasimaha waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Turkiga Danjire Cali Onaner.
Kulankan oo ahaa mid labada dhinac ay diiradda ku saareen xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaalanka argagixisada, si loo xaqiijiyo xasiloonida dalka iyo guud ahaan amniga gobolka, waxaana kulanka goobjoog ahaa Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Alper Aktaş.
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada hagar la’aanta ah oo ay mar walba la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.
Xamse Cabdi Narre ayaa sidoo kale xusay in Turkigu uu yahay saaxiib muhiim ah oo door muuqda ka qaata taageerada dhanka amniga, ilaalinta midnimada, madax banaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Agaasimaha waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Turkiga Danjire Cali Onaner ayaa dhankiisa ka mahadceliyay qaabilada Raysal Wasaaraha Soomaaliya, isagoona xusay in dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Turkiga ay mar walba garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya, ayna sii xoojin doonaan xiriirka wada shaqaynta ah ee ka dhaxeeysa labada dowladood.











