Sunday, August 2, 2026
WAR-SAXAAFADEED. Ururka Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed Taariikh: 16 Luulyo 2026 Ururka Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed wuxuu si cad u sheegayaa in uusan waafaqsanayn warka ka soo baxay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira xil ka-qaadista Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Qaranka Soomaaliya. Ururku wuxuu aaminsan yahay in tallaabo kasta oo saameynaysa hay'adaha madax-bannaan iyo ururrada...
Dowladda Maraykanka ayaa ansixisay heshiis hub oo lagu qiyaasay ku dhowaad US$2 bilyan, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo difaaca cirka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha amni ee Bariga Dhexe. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in heshiiskan oo qiimihiisu yahay US$1.96 bilyan uu...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista Yaasiin Maxamuud Cibaar inuu noqdo Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, iyadoo la kala diray guddigii hore ee hay'addaas. Go'aanka ayaa lagu gaaray shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre. Sida lagu sheegay...
Taliyihii saldhigga Booliiska degmada Jariiban ee gobolka Mudug ee Puntland, Guleed Kadleeye, ayaa ku geeriyooday weerar xalay ka dhacay halkaas, kaddib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay. Mas'uuliyiinta dhinaca amniga ah ayaa u sheegay HOL in taliyaha dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka degmada Jariiban, balse uu markii dambe u...
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay cabashada ganacsatada ee la xiriirta dekedda Boosaaso, isagoo sheegay in dowladda aysan wax canshuur cusub ku soo rogin ganacsatada, balse la cusboonaysiiyay khidmadaha laga qaado maraakiibta isticmaasha dekedda. Deni wuxuu sheegay in Puntland mudnaanta siisay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, sida dekedaha iyo waddooyinka,...
Sacuudi Carabiya ayaa sare u qaaday taageeradeeda dhinaca milatariga ee Soomaaliya, iyadoo hirgelinaysa heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah oo ay labada dal kala saxiixdeen bishii Febraayo ee sanadkan. Heshiiskaas ayaa lagu sheegay inuu xoojinayo wada-shaqeynta difaaca iyo milatariga, inkastoo faahfaahinta badan ee ku saabsan fulintiisa aan si rasmi ah...
Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa kala saxiixday heshiis u oggolaanaya in badeecadaha kalluumeysiga Soomaaliya loo dhoofiyo suuqyada Shiinaha iyadoo laga dhaafayo canshuuraha, sida ay sheegtay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya. Heshiiska ayaa waxaa Muqdisho ku kala saxiixday Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Axmed Xasan Aadan, iyo Safiirka Shiinaha...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Talaadada maanta gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo uu uga qaybgalayo munaasabadda tacsi ee loo sameeyay geerida Amiirkii hore ee Qatar, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Al-Thaani. Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Xamad ku...
Maamulka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dib u soo rogay cunaqabateyntii saarnayd dhoofinta saliidda Iiraan, kaddib weerarro lagu qaaday maraakiib shidaal siday oo marayay Marinka Hormuz, arrintaas oo muujinaysa in heshiiskii nabadeed ee bishii hore ay gaadheen Washington iyo Tehran uu weli yahay mid jilicsan. Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa laashay...
Muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika ayaa sheegay inay doorbidayaan inay sii joogaan dalkaas inkastoo ay sii xoogeysanayaan mudaharaadyada iyo dareenka ka dhanka ah ajaanibta, iyagoo ku doodaya in xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya aysan u saamaxayn inay dib ugu laabtaan. Guddoomiyaha Golaha African Diaspora Forum (ADF), Amir...