Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u magacaabay Guddiga Sare ee Maamulka Sanduuqa Qaran ee Maareynta Khataraha Musiibooyinka, sida lagu sheegay digreeto xafiiskiisa ka soo baxday.
Magacaabistan ayaa lagu sheegay inay waafaqsan tahay qodobka 9-aad ee Xeernidaamiyaha Sanduuqa Qaran ee Maareynta Khataraha Musiibooyinka...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in mucaaradku aanu aqbali doonin in mudaharaadka lagu koobbo goob gaar ah oo ay dowladdu u cayintay, isagoo ku adkaystay in isu-soo-baxyadu ay yihiin xuquuq dastuuri ah oo shacabka Soomaaliyeed leeyihiin.
Sheekh Shariif ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay yeesheen...
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa soo saaray jadwalka rasmiga ah ee doorashada hoggaanka iyo Goddonka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo la guda gelayo marxalad cusub oo la xiriirta hannaanka doorashooyinka dalka.
Sida ku cad jadwalka ay guddigu baahisay, qabashada iyo diiwaangelinta musharrixiinta Guddoonka Golaha...
Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), El Hadji Ibrahima Diene, ayaa maanta xarunta AUSSOM ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Salaax Keshtah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya,...
Qaar ka mid ah dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa si wadajir ah walaac uga muujiyay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay dib ugu laabtaan wadahadal iyo is-afgarad ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.
War-saxaafadeed wadajir ah oo la soo saaray maanta ayaa lagu sheegay in saxiixayaasha...
Nin Soomaali Haystay Dhalashada Mareykanka oo Lagu Dilay Magaalada Gaarisa ee ismaamulka Soomaalida.
Nin haystay dhalashada Mareykanka kana soo jeeday Soomaaliya ayaa lagu dilay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, kadib weerar loo maleynayo inuu ahaa dhac hubeysan oo ka dhacay xaafadda Bulla Mzuri.
Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cismaan Aweys Cabdi ayaa meydkiisa laga helay meel u dhow iskuulka Abu...
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, isaga oo ku dhaliilay siyaasadaha maamulka Puntland iyo xiriirka uu la leeyahay dowladda federaalka.
Wareysi uu siiyay mid kamid ah warbaahinta gudaha, wasiirka ayaa ku andacooday in tiro badan oo dhalinyarada Puntland...
Xildhibaan Ilhan Omar ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay u tartamayso dib-u-doorashada kursigeeda Kongareeska Maraykanka, iyadoo sheegtay inay sii wadi doonto matalaadda shacabka Degmada 5-aad ee gobolka Minnesota.
Ilhan Omar ayaa qoraal ay ku baahisay barteeds X ku sheegtay inay gudbisay codsigeeda musharraxnimo, hase yeeshee waxay xirtay qaybta faallooyinka,...
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta martigelisay munaasabad lagu dhaarinayay xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo munaasabadda ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah.
Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa goob joog ka ahaa dhaarinta...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn lagu bartilmaameedsaday dalka Kuwait, iyadoo muujisay taageeradeeda iyo garab istaaggeeda dowladda iyo shacabka dalkaas.
Bayaan ay Sabtidii soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Muqdisho ay si buuxda u taageersan tahay madaxbannaanida, amniga iyo xasilloonida...


















