Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka haddii ciidamada Midowga Afrika ay ka baxaan Soomaaliya, iyadoo meesha ka saartay walaaca laga qabo in bixitaanka ciidamadaasi uu fursad u abuuri karo Al-Shabaab inay dib u qabsato dhulal hor leh.
Agaasimaha Guud ee...
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramay inay heleen nidaamka hoobiyaha casriga ah ee ALKAR 120mm, oo ay soo saarto shirkadda warshadaha difaaca ee Turkiga ee ASELSAN, taas oo qayb ka noqonaysa iskaashiga milatari ee sii xoogeysanaya ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Nidaamka ALKAR 120mm ayaa ah hoobiye casri ah...
Booliska magaalada Karachi ayaa xiray tiro ka mid ah qoysaska badmaaxiinta Pakistan, kuwaas oo mudaharaad ka dhigayay bannaanka xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan, iyagoo dalbanayay in si degdeg ah loo soo badbaadiyo eheladooda oo ay afduubteen burcad-badeed Soomaali ah.
Qoysaska ayaa tan iyo habeenkii Axadda fadhiyay bannaanka xarunta Wasaaradda...
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalkiisa, isagoo sheegay in madax-bannaanida Jabuuti iyo awoodda ay u leedahay inay si madaxbannaan go’aannadeeda u gaadho ayna ahayn wax gorgortan laga geli karo.
Madaxweyne Geelle ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Cali-Sabiix, kaddib markii...
Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la dardargeliyo qorshaha lagu fidinayo waddada isku xirta Isiolo iyo Mandera, taas oo laga sii gudbinayo gudaha Soomaaliya, si loo abuuro marin cusub oo ganacsi, isgaarsiineed iyo amni oo isku xira dalalka Geeska Afrika.
Arrintan ayaa soo baxday kadib kulan magaalada Nairobi ku...
Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa sheegay inuu ka murugooday geerida Bashir Maxamed Cabdullaahi, oo ahaa wariye ka tirsanaa warbaahinta Arlaadi Media Network, kaas oo ku geeriyooday magaalada Baydhabo saacadihii hore ee Isniintii, 7-dii Sebtembar, kadib dhaawac culus oo rasaas loogu geystay magaaladaasi 3-dii Sebtembar.
Sida ay NUSOJ u sheegeen...
Markabka dagaalka ee Ciidamada Badda Türkiye TCG Göksu (F-497) ayaa ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, iyadoo markabkan uu qeyb ka yahay Kooxda Hawlgalka Ciidamada Badda Türkiye ee Soomaaliya (Somali Turkish Naval Task Group).
Markabkaan ayaa Muqdisho soo gaaray Sabtidii, 5 Sebtembar, isla markaana uu ku xirtay Dekedda Muqdisho.
Sidoo kale, Safaaradda...
Golaha Amniga Qaranka Israa’iil ayaa soo saaray digniin cusub oo ku saabsan khataraha amni ee Israa’iiliyiinta iyo Yuhuudda ku wajahan meelaha ka baxsan Israa’iil, oo Somaliland ku jirto, iyaga oo sheegay in Xuutiyiintu ay doonayaan in ay beegsadaan Israa'iiliyiinta u socda Somaliland.
Sida ay baahisay i24NEWS, Golaha ayaa sheegay in...
Soomaaliya ayaa ka qayb-gashay Shirweynaha 12-aad ee Baarlamaanka Adduunka, qaybtiisa dhallinyarada, oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Samarkand ee dalka Uzbekistan, iyadoo Xildhibaan Sadiiq Cabdullaahi Cabdi uu Soomaaliya ku metelayey shirweynaha.
Shirkan oo ay ka qaybgaleen ku dhowaad 100 xildhibaan oo ka kala socday illaa 50 dal ayaa diiradda lagu saaray...
Dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmooyinka Garbahaarrey iyo Doolow ee gobolka Gedo, iyadoo dadka deegaanka ay muujinayeen caro ka dhalatay weerar dhawaan ka dhacay halkaas, kaas oo ka dhacay guriga Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan, oo loo yaqaan Jeneraal Shub.
Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ay...


















