Markabka dagaalka ee Ciidamada Badda Türkiye TCG Göksu (F-497) ayaa ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, iyadoo markabkan uu qeyb ka yahay Kooxda Hawlgalka Ciidamada Badda Türkiye ee Soomaaliya (Somali Turkish Naval Task Group).
Markabkaan ayaa Muqdisho soo gaaray Sabtidii, 5 Sebtembar, isla markaana uu ku xirtay Dekedda Muqdisho.
Sidoo kale, Safaaradda Türkiye ee Muqdisho ayaa maanta sheegtay inay booqatay TCG Göksu, iyadoo safaaraddu ku tilmaantay markabka inuu yahay qayb ka mid ah Taliska Kooxda Hawlgalka Ciidamada Badda Türkiye ee Soomaaliya, waxayna kulan la yeelatay ciidamada badda ee Turkish-ka ee saaran markabka.
Markabkaan TCG Göksu horey ayuu uga mid noqday maraakiibta Türkiye ee ilaalinaya hawlgallada badda Soomaaliya, Bishii July 2026, Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay xaqiijisay in TCG Göksu, TCG Gelibolu iyo TCG Bartın ay ilaalinayeen markabka shidaal-baarista Çağrı Bey iyo maraakiibta taageerada ee Korkut, Altan iyo Sancar.
Hawlgalku wuxuu la xiriiraa baaritaanka shidaalka Soomaaliya ee Curad-1, oo ka socda xeebaha Soomaaliya.













