Sunday, November 1, 2026
Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Hagar Dabageed, ayaa sheegay in gobolka Hiiraan aan laga qaban karin doorasho aan heshiis siyaasadeed iyo is-afgarad laga gaarin, isagoo digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay doorasho ka qabato deegaanada gobolka. Dabageed ayaa sheegay in hannaanka doorashada Hirshabeelle uu u baahan yahay wada-tashi...
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo dilka askari ka tirsanaa ciidanka, kaas oo aano qabiil loogu dilay deegaanka Calaag ee degmada Ceel Baraf ee gobolka Shabeellada Dhexe, xilli uu fasax kasoo qaatay shaqadiisa. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in marxuum D/le Axmed Shire Xuseen uu...
Puntland ayaa sheegtay in qorshaha lagu banneynayo goobaha iyo dhulalka dowladda ee magaalada Boosaaso uusan la mid ahayn tallaabooyinka ka socda Muqdisho ee burburita dhismayaasha dadweynaha. Puntland waxay sheegtay in dhulka dowladda dib loogu soo celinayo gacanta dowladda si loogu adeego danaha guud. Guddoomiyaha degmada Boosaas, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali ayaa sheegay...
Maraykanka ayaa sheegay inuu si gaar ah ula socdo xiriirrada u dhexeeya kooxaha jihaad doonka ah ee Afrika, dhaq-dhaqaaqa lacagaha, dadka, hubka iyo tiknoolajiyadda, iyadoo Washington ay walaac ka qabto in kooxaha ka howlgala Soomaaliya ay yeeshaan awood ay weerarro uga qorsheeyaan meel ka baxsan dalka. Taliska ciidamada Maraykanka ee...
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 8 sano oo xabsi ah ku xukuntay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, kaddib markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu ku soo oogay dacwad la xiriirta ka mid ahaanshaha Al-Shabaab, maalgelinta falalka argagixisada iyo dhaqidda lacagaha sharci-darrada ah. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Xeer...
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay ilaa 2,000 askari ku biiriso ciidamada caalamiga ah ee la qorsheynayo in loo diro Qasa, haddii Maraykanka ama Israa’iil ay ka codsadaan. Madaxweyne Cirro oo waraysi siiyay The Jerusalem Post xilli uu ka qaybgalayay shir...
Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Axmed Shire, ayaa lagu dilay duleedka degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaddib markii koox hubeysan ay jidka u gashay isaga iyo laba askari oo kale oo la socday. Sida laga soo xigtay xogta laga helay dhacdada, saddexda askari ayaa xilligaas ku jiray...
Ciidanka Booliska Somaliland oo shalay magaalada Gabilay ku xidhay Wariye Xasan Saleebaan Haaruun, (Xasan Galaydh), oo ah mulkiilaha Galaydh TV, ayaa sheegay in loo haysto eedo ah inuu faafiyay warar been-abuur ah. Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Xasan Galaydh wax laga weydiiyay wararka...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nur ayaa ku dhawaaqay in la laalay soo jeedin la xiriirtay la-xisaabtanka Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Xoosh. Guddoomiyaha ayaa sheegay in go’aanka lagu laalay soo jeedinta uu ka dambeeyay kadib markii la hubiyay saxiixyada xildhibaanada ku lifaaqnaa qoraalka...
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si adag uga jawaabay hadallo uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Wasiir Cali Xoosh ayaa "ayaan-darro weyn" ku tilmaamay  in madaxweyne Deni oo horey wasiir iyo xildhibaan uga soo noqday dowladda federaalka, sidoo kalena u tartamay...