Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka Digay Faragelin Shisheeye ee Arrimaha Dalka Jabuuti.

0
10

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalkiisa, isagoo sheegay in madax-bannaanida Jabuuti iyo awoodda ay u leedahay inay si madaxbannaan go’aannadeeda u gaadho ayna ahayn wax gorgortan laga geli karo.

Madaxweyne Geelle ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Cali-Sabiix, kaddib markii uu soo dhammaaday shir siyaasadeed oo saddex maalmood socday oo ay yeesheen xubnaha Xisbiga Isu-soo-baxa Shacabka ee Horumarka (RPP) ee talada dalka haya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jabuuti ay xoogga saarayso ilaalinta madax-bannaanida go’aan-qaadashadeeda, xoojinta amniga gudaha iyo dhowrista isku-duubnida bulshada, xilli Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas ay ka jiraan loollan siyaasadeed iyo mid amni oo sii kordhaya.

“Arrimaha gudaha Jabuuti waxaa iska leh shacabka iyo dowladda Jabuuti. Uma oggolaan doonno cidna inay farageliso ama ku soo xadgudubto arrimaheenna gudaha,” ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladdiisu sii wadi doonto maalgelinta waxbarashada, horumarinta xirfadaha iyo tayeynta awoodda muwaadiniinta Jabuuti, si loo dhiso dal isku filan oo awood u leh inuu si madaxbannaan uga jawaabo caqabadaha mustaqbalka.

Hadallada Madaxweynaha Jabuuti ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas ay ka jiraan loollan xooggan oo ay ku lug leeyihiin dalal iyo quwado shisheeye, kuwaas oo dano amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ku leh gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Geelle si gaar ah uma magacaabin cida ama dalka uu uga digayay faragelinta. Sidoo kale muu sheegin dal ama dhinac ay dowladdiisu xilligan khilaaf siyaasadeed ama diblomaasiyadeed kala dhexeeyo. Sidaas darteed, lakiin waxa si adag u diide farogalin kasta oo shisheeye.