Dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo ku Heshiiyey Fidinta Wadada Isku Xirta Isiolo iyo Mandheera.

0
7

Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la dardargeliyo qorshaha lagu fidinayo waddada isku xirta Isiolo iyo Mandera, taas oo laga sii gudbinayo gudaha Soomaaliya, si loo abuuro marin cusub oo ganacsi, isgaarsiineed iyo amni oo isku xira dalalka Geeska Afrika.

Arrintan ayaa soo baxday kadib kulan magaalada Nairobi ku dhex maray safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jabril Cabdulle, iyo xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Waddooyinka Kenya, Joseph Mbugua.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in la dhiso guddi farsamo oo wadajir ah, kaas oo dardar gelinaya wada-hadallada ku saabsan in Soomaaliya lagu daro mashruuca Horn of Africa Gateway Development Project (HoAGDP) ee uu maalgeliyo Bangiga Adduunka.

Sidoo kale, Soomaaliya iyo Kenya waxay isla garteen in la qabto kulan heer sare ah oo labada dal ah, kaas oo lagu sii ambaqaadayo qorshaha hirgelinta mashruuca.

Safiir Jabril Cabdulle ayaa soo dhaweeyey ka mid noqoshada Soomaaliya ee mashruucan, isagoo sheegay in uu xoojin doono isku xirnaanta labada dal.

“Mashruucan wuxuu fududeyn doonaa ganacsiga xuduudaha, wuxuu horumarin doonaa isku xirka fiber-optic-ga gobolka, wuxuuna furi doonaa fursado dhaqaale oo badan oo ay ka faa’iideystaan bulshada labada dal,” ayuu yiri.

Qorshahan ayaa waddada Isiolo-Mandera siinaya muhiimad ka ballaaran sidii hore, iyadoo mashruucu muddo sanado ah ka socday waqooyi-bari Kenya, balse ay caqabado amni iyo kuwo hirgelin ahi dib u dhigeen qaybo ka mid ah.

Bangiga Adduunka ayaa sannadkii 2020 ansixiyey maalgelin dhan $750 milyan oo loogu talagalay mashruuca HoAGDP, kaas oo diiradda saaraya waddo dhererkeedu yahay 740km oo isku xirta Isiolo iyo Mandera.

Mashruuca waxaa markii hore qorshihiisu ahaa in la casriyeeyo 365km oo waddada ah iyo 30km oo waddooyin kale oo ku xirma, iyadoo sidoo kale lagu dari doono kaabayaal fiber-optic ah, xarumaha xuduudaha iyo nidaamyo lagu fududeynayo maamulka iyo ganacsiga xuduudaha.

Amniga ayaa ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla mashruuca, gaar ahaan deegaannada waqooyi-bari Kenya. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in la xoojiyey tallaabooyinka amni si loo ilaaliyo shaqaalaha iyo howlaha dhismaha.

Bangiga Adduunka ayaa isna ku tilmaamay deegaannada uu mashruucu maro kuwo ay ka jiraan nuglaansho iyo colaado, taas oo khatar ku ah shaqaalaha, kaabayaasha iyo howlaha dhismaha.