Wararka ka imaanaya Tuulada Ceelgorof oo ka mid ah tuulootinka hoostaga deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dib u xureynta deegaanka ay halkaasi ka sameeyeen howlgal qorsheysan oo lagu burburiyay fariisintii Al-shabaab ku lahayeen Ceelgorof.
Ciidamada dib u xureynta deegaanka ee burburiyay Saldhigii Shabaab ee Tuulada Ceelgorof...
Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa si rasmi ah u bilaabatay howl gal xaqiijin ah si ay u qiimeyso u diyaargarowga Soomaaliya ee ku biirista ururkan.
Saraakiil sarsare oo ka socda dhammaan dowladaha xubnaha ka ah EAC ayaa howlaha qiimaynta geedi socodka maanta oo Arbaco ah ka billaabay magaalada Muqdisho.
Kooxaha xaqiijinta...
Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa sheegay inay billaabeen howlgal guri guri loogu baarayo, kadib hoobiyayaashii shalay lagu garaaacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay soo qabanayaan dadka guryaha hubka iyo qaraxyada ugu haya kooxda Alshabaab, isagoo sheegay inaan loo dulqaadan karin in maalin kasta shacabka lagu dhibaateeyo...
Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaarad militeri oo la toogtay xilli dul mareysay inta u dhexeysa hawada Goma ee DR Congo iyo magaalada Gisenyi ee dhinaca Rwanda.
Dowladda Rwanda ayaa sheegay inay qaadday tallaabo ay isku difaaceyso oo ka dhan ah diyaarad ay leedahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo...
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo sugan Magaalada Bosaso ayaa dhagax dhigay Bangiga dowladda laabtiisa Bosaso iyo garoonka kubada cagta ee Magaalada.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xariga ka jaray Wadada Laamiga Jidka 30-ka ee galbeedka magaalada Boosaaso taasoo dhan 1.5KM, isagoo dhagax dhigay 2KM oo ah dhameystirka Wadadan.
Madaxweyne Siciid Deni...
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka billaabay howlgallo lagu sugayo amniga caasimadda.
Howlgalka ayaa si gaar ah lagula dagaalamayaa walxaha maanka dooriya iyo raadinta hubka sharci darrada ah.
Howlgalkaan ayaa waxaa loogu magac daray Qof iyo Guri.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka faray in ay...
Dhowr hoobiye oo geystay khasaare kala duwan oo aan weli la ogaan inta uu le’egyahay ayaa lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Qaar kamid ah hoobiyayaasha ayaa ku dhacay agagaarka hotel SYL, wasaaradda wafaafinta iyo Ex-fiyoore oo ah xayndaabka madaxtooyada Soomaaliya, waxaana jira khasaare dhaawacyo ah oo ka dhashay.
Mid...
Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir gacanta ku dhigay koox eedeysanayaal ah oo dil iyo dhaawac kasoo geystay Magaalada Garowe, Kadibna usoo baxsaday Magaalada Muqdisho.
Kooxdaan oo ka kooban seddex rag ah ayaa ku eedeysan in Magaalada Garowe kusoo dileen Muwaadin lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Jeylaani, sidookale kusoo dhaawaceen Muwaadin Hanad Xasan...
Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in maamulka gobolka Sool uu gacanta ciidanka ku jiro, waxaanu beeniyay warar sheegaya in ciidamo hubaysani ay Laascaanood soo galeen.
Taani oo ka hadlayay madal ay kula sugnaayeen saraakiil sar sare oo ciidamada ka tirsan, ayaa sheegay in nabadgalyada gobolka Sool...
Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney gacanta kusoo dhigeen Aabe Soomaaliyeed oo ku eedeysan inuu dil u geystay gabartiisa oo jirtay 6 libood 14-kii bishaan Janaayo ee sanadkan 2023.
Aabahaan ku eedeysan dilka gabartiisa yar uu u geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Abuukar Xuseen Culusow, kaasoo la tilmaamay...


















