Thursday, August 27, 2026
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaanada gobolka Mudug. Jenaraal Biixi ayaa sheegay in ciidamada huwanta ah ay guulo muhiim ah ka soo hoyeen howlgalada ka dhanka ah Shabaab ee ka...
In ka badan 300 oo culimada Soomaaliyeed ah oo todobaadkii hore shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday inay taageerayaan dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabab. Culimada ayaa hadalkaan ku sheegay bayaan ay soo saareen ka dib shir afar maalmood socday oo ay culimada yeesheen, laguna dhisay...
Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday Magaalada Muqdisho 23 – 26 Jannaayo 2023 ayaa lasoo geba-gebeeyey waxaana ka soo baxay warmurtiyeed dhowr ah. Culimada ayaa bogaadiyey howgallada xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka Alshabaab. Sidoo kale culimada ayaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ku qeexay Jihaad, islamarkaana qofkii ku dhintaa uu...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa taliye cusub usoo magacowday ciidanka Booliiska Soomaaliya, waxaana lagu meel mariyay shirka golaha wasiirrada ee Soomaaliya. General Sulub Axmed Firin ayaa loo magacaabay inuu noqdo taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed, kadib soo jeedin ka timid wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya. General Sulub Axmed Firin, ayaa haatan ah wasiir...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta go'aan ka gaartay kiis cajiib badan oo ka dhashay Muqaal Prank ahaan ay u duubeen afar dhalinyaro ah oo ku sugan magaalada Muqdisho, islamarkaana muuqaalka ku faafiyay baraha bulshada. Afartaan dhalinyarada ah ee Maxkamada kasoo hor muuqday ayaa sameeyay muqaal...
Hawada Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday heerka Class A oo lagu qiimeeyo darajada ugu sareyso ee badqabka iyo Maamulka Amniga ee hawada Soomaaliya, sida uu shaaciyay Ururka Caalamiga ee Gaadiidka Hawada IATA. Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) ayaa soo dhaweeyay in hawada Soomaaliya iyo nawaaxigeeda dib loogu soo celiyo...
Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa 10 kun oo Shilin Soomaali u dilay Wiil dhalinyaro ahaa oo ku shaqeysanaayay Mooto Bajaaj xili uu maraayay Carbiska ee duuleedka magaalada Muqdisho. Wiilkaan dhalinyarada ahaa ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Jabuuti, waxaana la sheegay inuu bixiyay 10-ka kun...
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal ay ka sameeyeen degaanka Shiikh Cabdullaahi ee degmada Ceeldheer  ku dilay  horjooge ka tirsan Kooxda Alshabaab. Maydka horjoogo lagu magacaabo Cabdifitaax Xasan Gaafow ayay ciidamadu soo badhigayeen, kaasoo ay sheegeen inuu caan ku ahaa dhibaataynta shacabka.   Sarkaal lagu magacaabo Daauud Gacmey oo katirsan...
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa laga sheegay in Maanta 73 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Shabaab iney ku dileen howgal ka dhacay deegaanka Miiroon oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Taliya ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil...
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daa'uud Aweys oo goordhaw shir jaraa'id u qabtay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka lagu dilay in ka badan 300 oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo uu garab taagna Ergayga Midowga...