M/weynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Sh Maxamuud iyo William Ruto oo Addis-Ababa ku kulmey

0
440

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Addis-ababa, Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu la wadaagay dhiggiisa Dalka Kenya dadaallada ku aaddan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo Alshabab.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dhankisa sheegay in dalkiisu uu si buuxda u taageerayo ka mid noqoshada Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

William Ruto ayaa tilmaamay in dalkiisa ay saameyn toos ah ku yeelanayso xaaladda Soomaaliya, muhiimna ay u tahay xasilloonida Gobolka geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay dhiggiisa Dalka Kenya in Dowladdiisu mudnaanta siinayso yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada Gobolka.