Xisbiga Kulmiye ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa billaabay in uu xisbiga banaanka ka dhigo siyaasiyiinta ka tirsanaa ee ka horyimaada rabitaanka hoggaaminta Muuse Biixi.
Hoggaanka Xisbiga ayaa maanta oo u dambeysay xisbiga ka caydhiyay siyaasi Axmed Muumin Seed oo ahaa xubin sare oo ka tirsan guddiga fulinta,...
Ciidamadan oo aan ka tirsanayn kuwa ATMIS ee Midowga Afrika, ayaa si rasmi ah u joogaya Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan wajiga labaad ee dagaalka ka dhan ah kooxda Alshabaab.
Arbacadii ayay ciidamadan kasoo tallaabeen xadka Soomaaliya, maalmo kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamo ka socda...
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax lala beegsaday Guddoomiye kuxigeenka labaad ee degmadaas, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in meel kamid ah gurigiisa loogu xiray Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad ee degmada...
Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u safri doona dalka Itoobiya toddobaadka soo socda, sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibadda Jimcihii, iyadoo walaac laga qabo dhaqan-gelinta heshiiskii nabadeed ee ka dhashay colaadda gobolka Tigray oo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof, boqollaal kun oo kalena ay...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo rag hubeysan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.
Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisin ciidamada Booliska ay ku...
Waxa magaalada Nairobi Nairobi ee dalka Kenya, Shir muhiim ah uga furmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka. Shirkaan oo ay hormuud ka tahay Wasaarradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha muhiim ah u ah sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya, horumarinta hannaanka...
DAAWO; Farmajo shurud adag ku xiray Xasan shekh, Mucaradka Awood lasoo baxay,Ceebtii ugu weyneyd.
https://youtu.be/ZM48ulK9omo
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa maanta Soo xirey Shirka Taliyayaasha Boliiska Heerarkiisa, Wasaaradda Amniga Guddaha iyo Wasaaradaha Amniga Dowlad Goboleedyada oo shalay ka furmay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
Taliyaha ayaa u mahadceliyey Guud ahaan Wasaaradaha amniga iyo Saraakiishii Ka soo Qeyb Gashey isagoo farey ...
Madaxweynaha Golaha Maamulka Maxkamadda dambiya caalamiga ee ICC, Silvia Fernandez De Gurmendi ayaa u magacowdey la-taliyaheeda qaaska ee Soomaaliya Mudane Mahad Axmad Xaaji.
Mudane Mahad Xaaji ayaa sidoo kale noqonaya la-taliyaha gaarka ah ee ku biirista Soomaaliya ee Heshiiska Roma ee maxkamadda dambiya caalamiga ah ee ICC oo muhiimad gaar ah...
Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta kulan gaar ah ku yeeshay gudaha magaalada Hargeysa ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda cakiran ee magaalada Laascaanood halkaas oo dagaalo qaraar ay ka dhaceen maalmihii u dambeeyay.
Shirka ayaa waxaa guddoomiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayada oo laga soo saaray go’aanno la xiriira xaaladda...

















