Thursday, May 7, 2026
SHir looga hadlayo higsiga 2016ka ayaa maanta ka furmey caasimada kmg galmudug ee Cadaado,shirkan oo ay ka soo qeybgaleen xildhibaano ergooyin iyo xubno lagu casumey ayaa sida la sheegey waxaa lagu falaqeyn doonaa halka ay dooneyso in loo maro galmudug higsiga 2016ka.   SHirka ayaa waxaa furey madaweynaha galmudug C/kariim Xuseen...
Qaramada midoobey iyo daneeyayaasha kale ee beesha caalamka ee Soomaaliya,  ayaa soo dhoweeyay shirka magaalada Muqdisho uga socda madaxda dowladaha faderaalka qeybta ka ah iyo dowladda dhexe ee looga hadlayo arrimaha siyaasadda dalka iyo doorashooyinka. Waxay dhinacyadaan sidoo kale ku ammaaneen Madaxweyne Farmaajo marti gelinta shirka,  iyagoo guud ahaan dhinacyada...
Taliska ciidamada ammaanka ah ee maamulka Puntland ayaa waxa ay war ka soo saareen gaari walxaha qarxa siday oo dhawaan lagu qabtay duleedka magaalada Gaalkacyo. Gaarigan siday walxaha qarxa ayaa nuuciisa waxa uu ahaa nuuca Soomaalida ay u taqaano Candha-meedlaha, isagoo isaga kala gooshi jiray magaalooyinka Boosaaso iyo Beledweyne, sida...
Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa si rasmi ah furay dastuurka Puntland, si wax looga beddelo qodob ku saabsan tirada ururada siyaasadeed ee usoo gudbaya xisbi. 34 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay in dastuurka la furo. Kaddib markii guddi gaar ah oo loo xilsaaray furista dastuurka ay baarlamaanka ka...
Shiikh fu’aad Max’ed Qalaf Oo Ah Xarakada Al-shabaab Ninka U Qaabilsan Dhanka Dacwada ayaa ka hadlay gulufka dagaal ee ka socda Gobolada  Jubbooyinka iyo marxaladaha uu marayo dalka Somaaliya. Sheekh Fu'aad Shongole Ayaa Waxa Uu KA Mid Yahay mas'uuliyiinta sida weyn looga Yaqaano bariga Afrika ayaa markii ugu horreysay ka...
-Qarax miino ayaa saakay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir lagula eegtay gaari uu la socday maareeyaha dekedda Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa sheegay qaraxan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ay ku dhaawacmeen labo ruux oo ka mid ahaa ilaalada maareeyaha. Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka...
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaleysa in ay qaboojiso xiisada ka dhalatay xannibaad maanta lagu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo tagi lahaa magaalada Kismaayo. Dowladda Soomaaliya ayaa xubno uu horkacayo Wasiirka Amniga u dirtay guriga uu magaalada Muqdisho ka daggan yahay Shariif Sheekh Axmed kuwaa u muuqda...
Eedeysanayaal u qaabilsanaa Al-shabaab Qarxinta goobaha maqaaxiyadaha oo markii labaad kasoo hor muuqday Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, waxaana eedeysanayaasha ay kala yihiin:- 1) C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed. 2) Max’ed Cumar Akiile C/raxiin 3) Daa’uud Max’ed Cali Max’ud 4) C/laahi Ibraahin Geeseey xafiiska xeer iaalinta maxkamadda CQS ayaa ka hor aqriyay eed...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa inuu soo gaaro Muqdisho, waxayna ku soo beegmaysaa xilli maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ka hor-istaageen in Warbaahintu ay shaqo u tagaan garoonka diyaaradaha Muqdisho muddo lixdan casho ah. Guddi qaabilsan soo dhaweynta Sh. Shariif...
Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa isaga baxay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe ahna caasimadda maamulka Hirshabeelle. Saraakiil katirsan howlgalka ATMIS ayaa ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Saldhigyadii ciidamada ATMIS ay ku lahaayeen magaalada Jowhar, taasoo qeyb ka ah wejiga 3-aad ee bixitaanka ciidamada shisheeye. Ciidamada...