Safiirka Dalka Ingiriiska u jooga Somalia Matt Baugh ayaa cambaareeyay dilka loo geystay wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ka shaqeynayay warbaahinta dowladda.
“Waa mid aad u murugo leh in aan maqlo dilka wariye kale loogu geystay Muqdisho, Anigoo ku hadlaya magaca dowladda Britain waxaa tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska iyo saaxibada Maxamed Ibraahin Raage, waxaan ugu baaqayaa dowladda Soomaaliya inay hubiso kuwa masuulka ka ah dilkaan micno darrada ah in caddaaladda la hor keeno” ayuu yiri danjire Baugh.
Safiirka ayaa sheegay in saxaafadd madax bannaan ay Muhiim u tahay Somalia Mustaqbalka,Iyadoo saxafiyiinta Soomaaliyeed loo baahan yahay inay ku shaqeeyaan xaalad aysan ka cabsaneyn in la dilo.
Alaha u naxariisto Maxamed Ibraahin Raage ayaa kooxo hubaysan ay Maqribkii ku toogten gurigisa oo ku yiilay degmada Dharkeenley ee Magaalada Muqdisho.




