Dowladda Iran ayaa si adag uga digtay qorshaha cusub ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, kaas oo lagu magacaabay “Mashruuca Xoriyada”, laguna doonayo in maraakiibta ku xanniban lagaga saaro marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in howlgalkaasi uu bilaaban doono saacadaha soo socda, isagoo ujeedkiisu yahay in si ammaan ah loo hago maraakiibta ganacsiga ee ku xaniban marinka muhiimka ah ee Hormuz, kaas oo ah marin ay maraan maraakiib badan oo saliidda qaada.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegtay inay weli qiimaynayso jawaabta ay ka heshay Washington ee ku aaddan hindise ka kooban 14 qodob oo ay Iran soo bandhigtay si loo soo afjaro colaadda taagan. Trump ayaa hore u sheegay in soo jeedintaasi ay tahay mid “aan la aqbali karin”.
Xiisadda gobolka ayaa weli kacsan, iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha ay ka geysanayso Lubnaan, halka sidoo kale ay ballaadhisay aagga ay ka maamusho Qasa, iyadoo ku dhawaaqday waxa ay ugu yeedhay “Khadka Huruuda ah”.













