Puntland ayaa xabsiga ku dhigtay afar nin oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin burcad-badeedda Soomaalida ee gacanta ku haysta maraakiib ganacsi oo lagu afduubtay xeebaha maamulka.
Raggan ayaa dhawaan laga soo qabtay deegaanka Garacad. Waxaa lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen shabakadaha burcad-badeedda ee ka hawlgala xeebaha Puntland, halka qaar kalena lagu tuhunsan yahay inay door ku lahaayeen abaabulka weerarradii ugu dambeeyay ee lagu qafaashay saddex markab oo weli lagu haysto xeebaha Puntland.
Maleeshiyaad ka soo horjeeday xarigga raggan ayaa dhawaan weeraray saldhig booliis oo ku yaalla Garacad, halkaas oo ay ku dileen hal askari.
Dhinaca kale, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Puntland ay ugu baaqday shirkadaha leh maraakiibta afduuban in aanay bixin madax-furasho, iyadoo sheegtay in ay tallaabo ka qaadi doonto burcadda haddii aysan sii dayn maraakiibta.













