Mucaaradka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan weli kalsooni buuxda ku qabin gogosha wadatashiga ee uu dhigay Xasan Sheekh Maxamuud.
“Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu soo diray casuumaad, annaguna weli waan ka tashanaynaa sidii aan uga jawaabi lahayn. Waxaan ognahay inuusan daacad ka ahayn, isla markaana safarro iyo hawlo kale ay u yaallaan, balse weli mowqifkeenna kama aanu gaarin go’aan kama dambeys ah,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Dheere.
Waxa uu sheegay in shirarkii maalmihii u dambeeyay u socday golaha ay qayb ka yihiin dadaallada lagu diyaarinayo hannaan doorasho oo ay doonayaan inay shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigaan.
Cabdiraxmaan Dheere wuxuu xusay in wada-hadallada iyo wada-tashiyada ay weli socdaan, islamarkaana maalmaha soo socda la filayo in goluhu soo bandhigo aragtidiisa ku saabsan qaabka doorashada iyo jawaabta rasmiga ah ee ku aaddan casuumaadda madaxweynaha.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in casuumaaddan ay timid kaddib wadatashiyo uu madaxweynuhu toddobaadyadii u dambeeyay la yeeshay dhinacyo kala duwan oo bulshada ah, iyadoo kulanka la qorsheeyay uu diiradda saari doono arrimo masiiri ah oo la xiriira mustaqbalka dalka.













