Wednesday, May 6, 2026
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA, ayaa sheegtay in ay kordheen tirada dhimashada cudurka Daacuunka taasoo kor u dhaaftay 120 qof tan iyo bishii January. 10,647 xaaladood oo cusub oo cudurka Daacuun ah ayaa laga soo sheegay toddobo gobol oo kamid ah Soomaaliya, taasoo ka...
Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku tilmaamay qodobada kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, in ay sii kordhinayaan xiisadda siyaasadeed ee dalka. Farmaajo ayaa walaac ka muujiyay maqnaanshaha shirka ee Dowlad-goboleedka Puntland. Wuxuu sheegay Golaha Wadatashiga inay muujinayaan kalsooni darro ka taagan Golaha dhexdiisa, iyo...
Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ka furmay shir u dhaxeeya Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Wasiiradda Amniga maamul goboleedyada dalka iyo Taliska Booliiska. Shirkaan ka furmay Dhuusamareeb oo socan doono muda laba maalmood ayaa dhinacyada waxay kaga arinsan doonaan arrimo muhiim ah oo quseeya amniga guud...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu ku howlan yahay awood marooqsi uu ugu gogol xaarayo muddo kororsi iyo doorasho uu kaligiis maamulayo. Shariif Sheikh Axmed oo hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa war saxaafadeed uu soo saaray xisbigiisa, waxaa uu ku sheegay...
Qeybo ka mid ah Xaafadaha Xaawa taako iyo Kooshin ee magaalada Baledweyne ayaa Xalay iyo maanta waxaa ka jira barakaci ugu badnaa, kadib markii uu karkaarada ku jabsaday Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne. Laamaha Dhagax jibis, Raadeerka, Kutiimo iyo laabka oo ka kala tirsan xaafadaha Kooshin iyo Xaawa...
Madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Uganda, Yoweri Museveni iyo William Ruto ayaa kor u qaaday qaylo-dhaan ku saabsan in dib loo eego qorshaha bixista ciidamada ATMIS ee ku sugan Soomaaliya, si looga hortago faaruq amni. Labada hoggaamiye, oo dalalkoodu ay ciidamadooda kamid yihiin howlgalka ATMIS, ayaa sheegay, ka dib kulan ay ku...
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay go'aamada kasoo baxay shirkii Golaha wadatashiga qaranka ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay, in aanu ahayn wax quseeya Puntland. Madaxweyne Deni oo maanta saxaafadda kula hadlayay magaalada Garowe, ayaa sheegay, in shirarka aan loo dhamayn aan lagu raadin karin maslaxadda ummadda Soomaaliyeed. “Dhowr...
Somaliland ayaa shirkado caalami ah u kiraysatay sidii ay uga caawin lahaayeen, si loo gaaro mowqifkeeda ku aaddan heshiiska kama dambaysta ah ee Ethiopia. Sida ay daabacday warbaahinta laga leeyahay dalka Germany ee DW oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah oo u dhuun daloola Somaliland, ayaa sheegtay in koox...
Munaasibada 18 May ee 33 guurada kasoo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqday gooni isutaaga 1991, ayaa si wayn looga xusay guud ahaan deegaanada Somaliland. Kadib maalmo ay shacabka Somaliland dabaaldagyo isdaba joog ah ka dhigayeen magaalooyinka waa wayn, waxa saaka fagaarayaasha badadiba magaalooyinka Somaliland layskugu yimid xuska 18 May. Madaxweynaha...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 7-aad ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose. Howlgalada oo ahaa kuwa qorsheysnaa ayaa ciidamadu ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ku yaala jiinka Wabiga Shabeelle ee dhexmara gobolkaas. War kooban oo lagu baahiyay...