Wednesday, May 6, 2026
Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir ee ka howlgala degmada Daarusalaam ee magaalada Muqdisho ayaa howlgalo ay ka saneeyeen gudaha degmadaas kusoo qabqabtay dad ku eedeysan iney rabshado ka geysteen degmada Daarusalaam. Ciidamada Booliiska ayaa gacanta kusoo dhigay Ilaa 15 ruux oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo ku eedeysan iney...
Agaasimaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa maanta isbadal ku sameeyay hogaanka NISA ee gobolka Banaadir. Taliye Sanbaloolshe ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyahii hay'adda Nabadsugida ee gobolka Banaadir Muxidiin Warbac, wuxuuna xilkaas u magacaabay Cabdifataax Ibraahim Shaaweeye oo mar soo noqday ku...
Hay'adda Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay loogu magacdaray 𝗟𝗮𝗹𝘆, taas oo ku soo wajahan magaaloyinka xeebaha dhaca, si gaar ah Muqdisho, Baraawe, Marka, Jamaame, kismaayo iyo Badhaadhe. Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda, ayaa lagu sheegay, cabsida ugu weyn ee laga qabo duufaan inay tahay, in ay geysato burbur...
Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa Somaliland uga digay in ay dagaal kale ku qaado deeganadiisa, isaga oo sheegay in ay jabin doonto. Hoggaamiye Firdhiye oo ku sugan cariga Talyaaniga, ayaa jaaliyada reer SSC Khaatumo ee magaalada Rooma uga warbixiyay xaalada deegaanadii iyo dadkii uu ka...
Dowladda Kenya ayaa xabsi 12 sano ah ku ridday Mohamed Abdi Ali oo loo yaqaan Abu Fidaa, Abu Shuhadaa, kaasoo ay sheegtay inuu katirsanaa kooxda argigixisada ah ee Daacish. Maxkamadaynta iyo xukunka lagu ridday ninkaan ayay dowladda Kenya sheegtay, inuu  ka hortagay weeraro argagixisanimo oo uu qorsheynayay in uu ka...
Waxaa sii kordhaya qoysaska ka barakacaya fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka sameynayo xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Qeybo ka mid ah xaafadaha Buundaweyne iyo Howlwadaag ayaa Xalay iyo saakay waxaa ka socda barakac xoogan, kadib markii uu wabiga ku jabsaday laamaha Doonsubagle iyo Faarax geedi ee xaafadaha Buundaweyn...
Dowladda Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Iran geeridii ku timid Madaxweyne Ibraahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Xuseen Amir-Abdollahian iyo masuuliyiintii kale ee la socotay diyaarad Helicopter ah oo shil naxdin leh ku gashay gobol ka mid ah dalka Iran. “Dowladda Soomaaliya waxa...
Warbaahinta dalka Iiraan ayaa ku dhawaaqday geerida madaxweynahii dalkaas Ibrahim Ra’isi, Wasiirkiisii arrimaha dibadda iyo saraakiil la socotay iney dhamaantood ku geeriyoodeen, shil diyaarad hellikobter ah oo ka dhacay dhulka buuralleyda ah ee u dhaxeysa gobolka Bariga Azerbaijan ee dalka Iiraan. Shilka diyaarada Helikabtarka ayaa lala xariiriyay cimilada dhulka buuraleyda...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray ku aqoonsaday in degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ay noqonoyaan Garasbaaley, Daarusalaam iyo Gubadleey. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa warbaahinta u sheegay in Gubadley, Daarusalaam iyo Garasbaaley ay ka mid noqdeen degmooyinka rasmiga ah ee...
Shan nin oo loo haysto inay kooxda Alshabaab la shaqeyn jireen ayaa lasoo taagay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntland xarunteeda magaalada Boosaaso. Raggaan ayaa lagusoo eedeeyay dambi ah, inay gaadiidkooda ugu adeegi jireen Alshabaab, iyagoo usoo qaadi jiray xubnaha Shabaabka ee ku sugan dhulka buuraleyda ah si...