Friday, August 28, 2026
War Qoraal ah oo ka soo baxay dowlad gobolleedka Puntland ayaa lagu mamnuucay qabashada shirar uusan ogeyn maamulka. Maamulka ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay deegaanno ka tirsan Puntland ay ka dhacayeen shirar ka dhan ah dowlad gobolleedka Puntland. Puntland waxa ay sheegtay in shir aysan ogeyn gudoomiyeyaasha gobolada iyo...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si buuxda isugu raacay qaraar lagu dalbanayo xabad joojin socon doonta muddo 30 cisho ah oo ka dhaqan gasha Suuriya, xilli dagaalada iyo duqeymaha ka socda dalkaas ay sii xoogeysteen todobaadyadii u dambeeyay. 15-ka xubnood ee Golaha ammaanka ayaa u codeeyay qaraarkan, kaasoo ogolaanaya...
Kaaliyaha Xog-hayaha guud ee Booliska Bariga Afrika, Kale Kayihura ayaa xaqiijiyay in Uganda iyo Booliiska gobolka Bariga Afrika ay ku guuleysteen in ay jabiyaan Al-Shabaab, islamarkaana ay ka hortagaan weeraradda ay Al-Shabaab ay la damcsanaayeen Qaar ka mid ah dalalka Afrika. Waxaa uu sheegay in ay ka guuleysteen xitaa haddii...
Taliska ciidamada AMISOM ayaa War ka soo saaray dilkii habeen hore ay magaalada Muqdisho ugu geystay Askari ka tirsanaa ciidamada hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya oo ku sugnaa Barkontorool. Falka dilka ah ayaa waxaa geystay ciidamada dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Gen Paul Lokech oo ah...
Tirada dhimashada ayaa guud ahaan marka la eego gaartay 30 ruux Qarax iyo is arasaaseyn xalay ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Dadka ku dhintay weerarradan ayaa isugu jiray, Rayid, Askar iyo xoogag ka tirsanaa Al-shabaab oo weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarradaasi oo ay...
Gabadh yar oo sagaal jir ah ayaa u geeriyooday kufsi uu ku sameeyey ninkii qabay hooyadeed. Gabadhan yar ayaa magaceeda la odhan jirey Xaleemo Cabdisaaq Salaad, waxaana falkani ka dhacay magaaladda Kaalkacyo ka dib markii ay inanta yar aad u xanuunsatay ayaa loola soo cararay cisbitaalka Burco, kaasi oo cadeeyey...
                      Barlamaanka dowlad goboleedka jubbaland ayaa maanta yeeshay kalfadhiga afaraad, fadhiigiisi 41-aad oo maanta ay soo xaadireen 44 xildhibaan, ayaa waxaa shir gudoominayey  gudoomiyaha barlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdirahmaan waxaana lagu ansixinayey gudoomiyaha maxkamadda sare  iyo xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Jubbaland. Gudomiyaha maxkamada sarre...
  Khilaaf sababay dib u dhac ayaa ka dhashay doorashada mid ka mid ah Kuraasta ka bannaan golaha shacabka oo maanta lagu wadday in Muqdisho lagu qabto doorashadiisa. Qaar ka mid ah Ergooyinka ayaa bilaabay Buuq iyo sawaxan markii ay bilaabatay doorashadda sidda ay xaqiijiyeen guddiga doorashooyinka. Kursiga ka bannaan Golaha Shacabka...
Kooxo hubeysan oo ah Burcad baddeed Soomaali ah ayaa weerar ku qaaday Markab ganacsi  oo laga leeyahay dalka Singabuur sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta dalkaasi. Markabka la weeraray ayaa waxaa lagu magacabaa  MT Leopard Sun,waxaana  ka soo shiraacday xeebaha dalka Oman  kuna sii jeeday magaalada Cape Town...
Waxaa magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan lagu soo gabagabeeyay Shirka ay ka qeybgaleen Wasiirada Beeraha Qaarada Afrika iyo madaxda hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo Beeraha ee (FAO). Shirkaasi oo ahaa kii 30-aad waxaa kaloo xiritaankii ka soo qeyb galay Safiirada Caalamka u fadhiya Suudaan iyo waliba sii...